Qaar Ka Mid Ah Hudheelada Magaalada Muqdisho Oo Amaro Culus La Duldhigay

0
Monday March 30, 2020 - 15:14:43 in News by
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Hudheelada Magaalada Muqdisho Oo Amaro Culus La Duldhigay

    Qaar Ka Mid Ah Hudheelada Magaalada Muqdisho Oo Amaro Culus La Duldhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar Ka Mid Ah Hudheelada Magaalada Muqdisho Oo Amaro Culus La Duldhigay


Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta degmada Shangaani.




Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, guddoomiyaha guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan ku haaya dunida.


 

Duqa Muqdisho ayaa inta uu shirka socday amray in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado wax weliba oo keeni kara caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo Neefta, asigoo carabka ku adkeeyay maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Liido oo bulshada si aad ah isugu yimaadaan.


Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale faray Bulshada in ay u hogaansamaan fariimaha Wacyigelin ee wasaarada caafimaadka iyo waaxda caafimaadka ee dowladda Hoose ee Xamar, Iyadoona ay si wadajir ah Barnaamijyada wacyigelin ay iska kaashan doonaan Wasaaradda Caafimaadka, wasaaradda diinta iyo Awqaafta, guddiga Qaran ee abaabulka iyo wac-yigelinta iyo maamulka Gobolka Banaadir.


 

Loading...
Loading...