Anshax Marinta Cabdilaahi Daamur Qore Mukhtar Cilmi

0
Monday March 30, 2020 - 13:09:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Anshax Marinta Cabdilaahi Daamur Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.
Siyaasaddu waa nidaam dhaqan dhaqaale oo dal iyo xisbi lagu hoggaamiyo, waxana ay ku salaysan tahay dastuurka iyo xeerarka u dhigan. Dadka nidaamkaasi hoggaamiya amma wax ha ku kordhiyeen amma wax ha ka beddeleene ayaa la yidhaa siyaasiyiin, waxana hoggaamiya Madaxweynaha dal,amba gudoomiye xisbi.intaas waxaan u soo qaatay xisbigii waddani aha siyaasiyiintiisa kolba waxay dhulka la dhacaan hadalada ka yimaada gudoomiye cabdiraxmaan cirro oo buriya mawqif u qaato. Waxayna taasu dhacday shalay isago ka hadlayay xubnihi la diiday ayuu ka daba yimi xaga warbaahiinta cabdilaahi axmed daamur oo ka mid ah waddani!...


Marar fara badan ayey dhacday in siyaasi kujira xisbiga waddani markuu cirro qaato mawqif aya siyasi ku jira ka daba hadlo oo buriya mawqifka cirro! Shalay waanu daawanayey cirro ka hadlayay labadii xunbood la diiday ayu dorbaba cabdilaahi daamur kadaba yimi warbaahinta .!!runti fadeexad weeye.


Waana ku ceeb xisbi dhan in u anshax marin kari waayey kolba siyaasi kamid ah oo nidaamkiisa buriya ducufkaasna waxa lagu arkay waddani isago talaabo ila haatan ku qaadi kari waayay DUUR IYO IBRAHIM BUUBA..shalayna cabdilaahi daamur oo runti cadeyay in u xisbigu aanu isku talo ahayen iyo sharci kala haga xubnahiisa..ila shalay dadweynuhu waxay la yabanayeen hadalada kasoo baxay cabdilaahi daamur .


Xisbiyada kale anshaxa way mariyaan siyaasi walba oo ku kaca xeerarka xisbiga sida kulmiye iyo ucid lkn waddani weli maan arag talaabo oo u ku qaado siyaasi ka falogoobay..24 sacadood ee soo socda waxa dad weynuhu ka sugayaan cirro in u anshax mariyo cabdilaahi daamur oo xisbiga laga saaro hadii kale waxa cad in u cirro xisbigan wadi karin sida ay dadweynuhu qabaan ila haatan.ficil la imo.


By mukhtar cilmi

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...