Guddoomiye Shuute Oo Gaaray Dhuusamareeb & Ujeedka Safarkiisa

0
Monday March 30, 2020 - 13:01:12 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Shuute Oo Gaaray Dhuusamareeb & Ujeedka Safarkiisa

    Maxkamadda ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay bilowdo dhageysiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay bilowdo dhageysiga



Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminaayay.

Wafdiga Guddoomiye Shuute ayaa waxaa kamid ahaa Saraakiisha Xeerilaalinta Ciidamada iyo xubno kale oo uu kamid ahaa Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey), waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

 

Ujeedka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida u tegay Caasimadda Galmudug ayaa ah sidii ay Maxkmadda u qaadi laheyd kiisas dhowr ah oo ka kala dhacey deegaanada Galmudug iyo

Gobolka Hiiraan.

 

Maxkamadda ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay bilowdo dhageysiga Kiiska dilka maalin kahor Magaalada Dhuusamareeb loogu geystay Shaafici Xaaji Diiriye oo ahaa wiil dhaliyaro ah, kaasi oo uu toogtay Askari kamid ah ilaalada Senator Dhageey.

Labada mas’uul oo aad ugu dhowaa Villa Somalia, ayaa doorashadooda kulan gaar ah oo madaxda kale ee dowladda ay ka maqan yihiin, dhalineysa tuhun ku saabsan inay qaadayaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo in doorasho ay dhacdo, halka Villa Somalia ay dooneyso in doorashada dib loo dhigo.


Loading...
Loading...