Madaxda Dalalka IGAD oo shir ka yeelanaya xaalada Cudurka Coronavirus

0
Monday March 30, 2020 - 12:47:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Dalalka IGAD oo shir ka yeelanaya xaalada Cudurka Coronavirus

    Madaxda Dalalka IGAD oo shir ka yeelanaya xaalada Cudurka Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Dalalka IGAD oo shir ka yeelanaya xaalada Cudurka Coronavirus



Madaxda wadamada IGAD ayaa la filayaa inay kulan Gelinka dambe ee Maanta ka yeeshaan sida looga hortegi karo faafida cudurka Coronavius oo dad badan ay ugu dhinteen dalalka yurub iyo Mareykanka kuwo kalena ay la jiifaan.

 

Kulankaan oo u qabsoomi doona ham muuqaal ah (Vidio Conference) ayaa waxaa hagi doonaa Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD,isaga oo ku sugan Xarunta IGAD ee dalka Jabuuti,waxaana Madaxda IGAD ay ka hadli doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga faafida cudurka COVID 19 iyo kordhinta dagaalka ay kula jiraan.

 

 

Kulanka oo hab muuqaal ah ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madaxda,dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda , Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan,,waxana kulanka oo furmaya gelinka dambe ee Maanta haatan socda u diyaar garoowgiisa.

 

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed oo qadka taleefoonka dhawaan kula xiriiray Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku booriyey inay yeeshaan kulan ay uga hadlayaan xaalada Coronavirus si ay tallaabo u qaadaan.

 

Qaar kamid ah wadamada IGAD ayaa laga helay kiisas kamid ah Cudurka Corona,waxaana dalalkaas kamid ah,Kenya,Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti,iyada oo ay socdaan qorshoyin looga hortagayo in uu Cudurkaas ku faafo dalalkaas


Loading...
Loading...