Xukuumada Somaliland Hiilka Jabuuti Iyo Axmed Cismaan Geelle Midkee Marinkeeda Ah...Faallo Muniir Axmed Cigaal

0
Friday April 05, 2019 - 18:38:27 in News by
  • Visits: 3378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Hiilka Jabuuti Iyo Axmed Cismaan Geelle Midkee Marinkeeda Ah...Faallo Muniir Axmed Cigaal

    Xukuumada Somaliland Hiilka Jabuuti Iyo Axmed Cismaan Geelle Midkee Marinkeeda Ah...Faallo Muniir Axmed Cigaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Hiilka Jabuuti Iyo Axmed Cismaan Geelle Midkee Marinkeeda Ah...Faallo Muniir Axmed Cigaal


Somaliland Xaggay U Socota Xaggayse Ka Kaga Jirtaa Dagaalka Ganacsiga Adduunka, Haddii Ay Curdin Dhadhinayso Sherkadaheedi Muwadiniinta Aha Ee Waddanka Maalgashaday.

Related image




Ma Saxbaa Inay Xukuumadda Somaliland Waddan Kale U Soo Raacdo Ganacsatada U Dhalatay? Dunidu Sidaa Ma Samaysaa?


Afrika waxaa laga filayaa inay shaqa abuur yeelato qiyaastii rubuc ka mid ah shaqaalaha adduunka taas oo ah astaanta wanaagsen ee maalgashiga qaarada Afrika , waxay taasi keentay Dagaalka u Dhaxeeya Shiinaha iyo Maraykanka oo maanta ugu turuqyo waa wayn dhaqaalaha Caalamka.


Waxaa kaloo dawlada Maraykanku iyadoo danaha sharaa’igooda dabada ka riixaysa ay xoojinaysaa geeddi-socodka siyaasadeed ee dhabta ah ee Itoobiya, Kenya iyo waddamada kale ee Afrika ee khilaafka siyaasadeed ka jiro sida Koofurta Sudan, Burundi, Kongo, Somalia iyo Mali, Waddanka Shiinaha ayaa isna Dadaal ka badan ka Maraykanka ka wada Afrika, dhammaan guclo orodkaas waxa hagaaya sherkado waddamadaasi leeyihiin, danaha Shirkadaha Maraykanka Iyo Shiinaha si loo ilaaliyo gar iyo gardaraba labada Dawladood ee maanta Adduunka ugu xooga wayni waxay la safanyhiin Shaarkadahooda iyagoo garab wada quwad Millatari oo ay ku difaacayaan.


Awooda dhaqaale ee Qaarafa Afrika ayaa xoogeysanaysa sida la saadaaliyey 10ka waddan ee dhaalahoodu korayo adduunka 5 waddan oo ka mida ayaa ku yaal qaarada Afrika natiijada arrintaasna waxa la dareemi doona siday culimada dhaqaaluhu hiladiyeen markay tariikhdu tahay 2030. Muuqashadaasi waa midda keentay Dagaalka Sherkadaha ee maanta ka dhex socda adduunka . Waxa haddaba yaab leh Somaliland oo fakhri darani hayo, u baahan wax soo Kordha ha joogte inay waxay haystaan ee kooban ku faro adaygaan In Xukuumaddii garab iyo gaashaan u noqon lahayd ay iyadii Dagaal cad la gasho Sherkadaheedi. Arrinta Ganacsade Axmed Cismaan Geele maha mid fudud, dhawaaqa Madaxtooyada ee maanta ka soo baxayna anigu waan ka naxay. War-Saxafadeed muu ahayn ee cay iyo aflagaado loogu dabo dhilif laynaayo Waddan kale oo sherkadihiisi iyo ganacsigii ku dagaalamaaya ayuu aha. Kaga darane waddankaas oo ah Jabuuti wuxuu Dagaal dhaqaale iyo mid qadiyadeedba hadh iyo habeen kula jiraa Jamhuuriyadda Somaliland, maxa markaa dhoohay ee dhiiga ka jaqay Xukuumadeeni shacabka iyo Dalkaba masuulka ka ahayd. ? Hore ayay Sherkadaheena u curyaamisay Jabuuti markii ay khadka Viber Obtica ee Internetka Xawaarihiisu Sarreeyo tidhi anaa idin miisaya oo aad iga qaadanaysaan innagoo Afrikaba suuqeena iman lahayd oo aynu Berbera dhigan lahayn. Maanta ilaa Madaxtooyadeeni ayaa Maxkamad u noqotay . Axmed Cismaan Geele Arab maha Qoysna maha siday Madaxtooyadu sheegtay, 5-Milyan oo dollar ayuu Hargaysa galiyay si biyo wada gaadha looga helo, 5-Milyan oo dollar ayuu Burco galiyay, 30 Milyan oo dollar ayuu Wershado kaga hirgaliyay Waddanka. Keeba mudan in la difaaco isaga iyo Jabuuti . Somaliland meel ay ku socoto la garan maayo alle xaqa hayna tuso, gar iyo gardaro waxay ahayd maanta In Xukuumadda Somaliland gudaha Waddanka ku difaacdo Axmed Cismaan Geele, waayo danta Waddanka ayaa sidaa ku jirta, waxaase Axmed Cismaan Geele difaacaya haday xukuumadi gabtay shacabka Gobol kasta degan. Waxaan ku soo koobaya Ruqo Ninkii laha dabada hayo ma kacdo.


 

Tusan ..

 

Muniir Axmed Cigaal ..

 



Loading...
Loading...