Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabis Sameeyay

0
Monday March 30, 2020 - 12:46:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabis Sameeyay

    Garoowe: 30, Maarso, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe: 30, Maarso, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.18, March 30, 2020 kuna saabsan wareejin Sarkaal iyo u magacaabid Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.



Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.


Markuu tixgeliyey: Dar-dar gelinta Arrimaha Amniga Gobolka Bari.


Wuxuu xeeriyey:


1. Waxaa G/Dhexe Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaal laga soo wareejiyay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Ciidanka Booliska Puntland, isla markaana waxaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.


Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

=DHAMMAAD=

Loading...
Loading...