Ra'isalwasaare Laga Helay Coronavirus Oo Farriin Digniin Ah U Diray Shacabkiisa

0
Monday March 30, 2020 - 08:13:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isalwasaare Laga Helay Coronavirus Oo Farriin Digniin Ah U Diray Shacabkiisa

    Ra'isalwasaaraha dalka Britain Boris Johnsonayaa ayaa farriinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isalwasaaraha dalka Britain Boris Johnsonayaa ayaa farriinta
digniinta oo qoraal ah u dilay shacka dalkaasiku sheegay iney shacabku raacaan talooyinka ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka si ay naftooda uga badbaadiyaan cudurka safmarka ah.


Mr Boris Johnson oo karantiil ku jira kaddib marki laga helay Fayrsaka Covid-19 ayaa sheegay haddii loo baahdo iney dowladdu hirgelisay tillaabbooyin adag oo hor leh.



Muwaadiniinta dalkaasina marka ay ku sugan yihiin meel guriyahooda ka baxsanna waa iney racaan ayuu yiri talooyinka ay soo jeediyaan xirfadlayaasha caafimaadka.


"Tallaabbooyinka ay dowladdu qaadeyso waxay u qaadeysaa maadaamaa dowladda lagu eedeeyey iney weli qaadin tallaabbooyin adag."


Farriinta qoraalka oo qoysas ka badan 30 milyan guri ka guri lagu gaarsiinayo daabacaadda farriinta Ra'isal wasaaraha waxay dowladdu ka kaharsh gareeysay 5.8. malyan oo gini.


"Waxaan doonayaa inaan idiin caddeeyo faafitaanka cudurka inta uu isbeddel ku iman ka hor iney dhici karaan dhibaatooyin adag oo muwaaddiniinta soo wajahdo" ayuu yiri.


"Talooyinka khubarada caafimaadka iyo saaynisyahannada ay noo soo jeedianayaan anaga oo ka duuleyno haddii ay jiraan tallaabbooyin nala gudboon inaan qaadno waan qaadeynaa" ayuu ku yiri Ra'isal wasaaraha Britain Boris Johnson oo shacabka dalkaasi farriin digniin ah u diray.


Dalka Britain waxaa cudurka Coronavirus laga helay dad ka badan 17,089 iyada oo ay cudurka u dhinteen 1,019 qof, shalay oo keli ahna ay cudurka u dhinteen 260 qof.


Ra'isal wasaaraha Britain oo cudurka laga helay

Ra'iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson waxaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay sida uu shaaciyey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha UK.


Mr Johnson ayaa laga helay calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa.


"Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.


Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka.


Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: "24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan.


"Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan."

Markii ugu dambeysay ee Mr Johnson la arkay waxay ahay habeenimadii Khamiista, xilli uu ka qeyb qaadanayay munaasabad loogu mahadcelinayay shaqaalaha Waaxda Qaran ee Caafimaadka UK (NHS).


Horaantii Isbuucan, afhayeenka Ra'iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dominic Raab, uu la wareegi doono howlaha Ra'iisul Wasaaraha, haddii uu Mr Johnson xanuunsado.

 

BBC

 

Loading...
Loading...