Dawladda Djibouti oo sheegtay in Afar Ruux oo dhinaca Somaliland ka soo gudbay laga helay CORONAVIRUS

0
Sunday March 29, 2020 - 23:44:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dawladda Djibouti oo sheegtay in Afar Ruux oo dhinaca Somaliland ka soo gudbay laga helay CORONAVIRUS

    Dawladda Djibouti oo sheegtay in Afar Ruux oo dhinaca Somaliland ka soo gudbay laga helay CORONAVIRUS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Djibouti oo sheegtay in Afar Ruux oo dhinaca Somaliland ka soo gudbay laga helay CORONAVIRUS

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Djibouti ayaa sheegtay in Afar ruux oo cusub laga helay Caabuqa CORONAVIRUS ee sida daran ugu faafaaya guud ahaan Caalamka oo dhan.

Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa caddaysay in Afar Qof oo cusub laga helay Cudurka Corona-virus Covid-19, kuwaas oo tirada Dadka xanuunkaa laga helay Jabuuti ka dhigaya 18 Ruux. Afartaas Qof, ayaa marayey marka xanuunka laga helay magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla Xadka Dalalka Jabuuti iyo Somaliland wadaagaan, isla markaana ka gudbayey dhinaca Somaliland, sida uu Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Warbaahinta dowladda Jabuuti u sheegay Axaddii maanta.


Coronavirus: The four types of patients and symptoms - AS.com

Afartan Qof ee laga helay Cudurka Covid-19 oo Reer Jabuuti ah, ayaa intii ay Jabuuti xidhay Xuduudeheeda Cirka, Dhulka iyo Baddaba, ka dib waxay Dalka Itoobiya ka soo raaceen Diyaaradda Ethiopian Airlines, taas oo keentay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, halkaas oo ay ku hakadeen wakhti aan la shaacin, isla markaana waxay gaadhi ka raaceen Hargeysa si ay Jabuuti dhinaca dhulka uga galaan.

Hase-yeeshee, waxa laga helay xanuunka markii lagu baadhay goobaha Hawl-wadeennada Caafimaadka la dhigay ee Kidinka laga galo Xadka Jabuuti ee Lawyo-caddo, waxaanu Wasiirka Caafimaadku sheegay in lagu karantiimeeyey afartaa Qof goobaha ay Dowladda Jabuuti uga diyaarisay Xadka ay Somaliland la wadaagto ee Lawyocaddo, balse Somaliland dhinaceeda weli wax war ah kamay soo saarin afartaas Qof ee Jabuuti sheegtay inay Hargeysa soo mareen ee xanuunka laga helay.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...