Maarreeyaha Madbacadda Qaranka oo Weerar ku qaadday Hadalkii Boqor Buurmadow

0
Sunday March 29, 2020 - 19:46:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maarreeyaha Madbacadda Qaranka oo Weerar ku qaadday Hadalkii Boqor Buurmadow

    Maarreeyaha Madbacadda Qaranka oo Weerar ku qaadday Hadalkii Boqor Buurmadow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maarreeyaha Madbacadda Qaranka oo Weerar ku qaadday Hadalkii Boqor Buurmadow

Hargeisa(HWN):-Maarreeyaha Madbacadda qaranka Maxamuud Ibraahim Raagge ayaa waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, waxaannu sheegay in Boqorku aannu siyaasadda faraha la soo gelin ee ku ekaaddo arrimaha dhaqanka oo waajibaadkiisu yahay.


Sidoo kale, Maxamuud Ibraahim Raagge waxa uu sheegay in arrimaha siyaasadda ay u xil saarran tahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Kornayl Biixi.
Gacantii G.Cirro u Taagay Axmed M Seed oo ka Baxay Shirweynihii ...

"Waxaan jecelahay siddii horeba looga wada-hadlay inaan ummadda reer Somaliland ku baraarujiyo inay u hoggaansamaan tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga uu Madaxweynaha Somaliland u igmadday inay ka talo bixiyaan Cuddurkan soo kordhay ee CORONAVIRUS ama COVID 19. Halkan aan anigu maarreeyaha ka ahay si fiican ayaannu uga shirnay arrintaas waannu qaadanay go'aannadii uu ay soo gudbiyeen Guddiga ka hortaga CORONAVIRUS, markaa waannu fasaxnay dadkii waa-weynaa, wixii shuruuc ah ama talo ahna waannu u hoggaansannahay.

"Waxaan u baxay oo la igu kelifay oo aan ka hadlayaa Siyaasadda qaranka waxaynu u doorannay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen oo cod aqlabiyadda ku helay, waxaynu leennahay Goleyaal Baarlamaan Guurti iyo Wakiillo, waxaynu leennahay Xisbiyo mucaarid ah oo u dhisan hadba wixii ka qaloocda Xukuumadda inay toosiyaan. Waxa kale oo qarankani leeyahay Wada-tashi ku xidhan hadba wixii soo kordha oo sidii dhaqankeennu ahaan jirey ee Geedka hoostiisa loogu wada xaajoon jirey ah, markaa Sannadahan danbe waxa bilaabmay dad dhaqan ah oo siyaasadda gole ka fuul u faro-gelinnaaya ama qaar Facebook-yadda wax ku qorraaya.

"Waxaan u nasteexaynayaa oo aan jecelahay isagunna uu ogyahay Boqorkayga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow. Boqorka shaqaddiisu waa dhaqan, waannan ku ixtirraamaynaa, qaybo badan oo fiicanna waad lahayd, laakiin xadgudubku wax lagugu taageerraayo maaha, waa inaad ixtirraamtaa dawladda, waanna inaad joojisaa waxyaabaha deel-qaafka ah. Dabcan qofku ra'yigiisa wuu cabbiri karraa, laakiin maaha innuu noqdo mid dadka dhibaato u keennaaya ama ku xadgudbaaya" Ayuu yidhi Maarreeyaha Madbacadda qaranka Maxamuud Ibraahim Raagge.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...