Maayarkii Gabiley Iyo Wefti Uu Ka Keenay Ingiriiska Oo Laga Soo Dhex Qabtay Magaalada Iyo Karantiimo La Galiyey

0
Sunday March 29, 2020 - 17:58:39 in News by
  • Visits: 2643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarkii Gabiley Iyo Wefti Uu Ka Keenay Ingiriiska Oo Laga Soo Dhex Qabtay Magaalada Iyo Karantiimo La Galiyey

    Maayarkii Gabiley Iyo Wefti Uu Ka Keenay Ingiriiska Oo Laga Soo Dhex Qabtay Magaalada Iyo Karantiimo La Galiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarkii Gabiley Iyo Wefti Uu Ka Keenay Ingiriiska Oo Laga Soo Dhex Qabtay Magaalada Iyo Karantiimo La Galiyey


Gudida Ka Hortaga Xanuunka Crona-Virus Ee Heer Qaran ayaa Kaaraanti Soo Galiyay Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi kadib markii la Ogaadey in uu Dalka Soo galiyay,Wafti kasoo Raacey dhinaca Dalka Britain.



Sida ay u Xaqiijiyeen Warar Xogogaal ahi Waxaa la Sheegay, in Ciidamada Booliska Somaliland iyo Baabuur Nooca Caafimaadka ee Umbalance ahi kasoo Qaadey Magaalada Gabiley kadib markii Gudida Heer Qaran ee Ka Hortaga Cudurka Crona-Virus ay ku amreen in lasoo karaantimeeyo Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo dhawaan kasoo laabtey Dalkaasi Ingiriiska Islamarkaana, ay kadaba Yimaadeen Wafti uu isagu Ku Martiqaadey Magaalada Gabiley oo hogaaminayso, Haweenaydii usoo Dirtey Fiisaha Dalka Ingiriiska oo kadaba imaanshaheedu ahaa Mid si dhakhso ah ku yimid, iyagoo Safar Socdaal ah kaga Soo Gudbey Dhinaca Xuduuda u Dhexeysa Somaliland iyoo Itoobiya, oo kasoo Gudbeen ka hor intii aan la Xidhin Xuduuda u Dhexeysa labada Dal Somaliland iyo Itoobiya.



Dadweynaha Reer Gabiley, iyo Guud ahaanba Shacabka Somaliland ayaa, Sweyn u hadalhayey Talaabadan lagu Qaadey Maayarka Gabiley oo aan Is ogeysiin Xukuumadda iyo Wasaarada uu Maamul ahaan Hoos Yimaado ee Arimaha Gudaha Waxaana lagu Waddaa in Amarka lagu soo Kaaraantimeeyay uu Bixiyay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo sida la Sheegy Wakhti dambe ka war helay Soo Gurya Noqoshada Maayarka Degmada Gabiley.


Geesta kalena, Dadweynaha Ku Nool Magaalada Gabiley ayaa Maalmihii u dambeeyay Dareen aad u Weyn ka muujiyay Sida dhakhsaha ah ee ay Maayarka uga Daba Timid Haweeneydii Bixisay Fiisihii uu Ku Tagey Dalka Ingiriiska oo lasoo Tusey Dhawaan Qeybo kamid ah Gudaha Magaalada Gabiley, Sida ay Wararku Tibaaxeena isla Gabiley laga Siiyay Dhul ay La Damacsan Tahey in ay ka Dhisato Guryo ay Ku Yeelan Doonto Magaalada Gabiley, iyadoo Socdaalkeeda loo arkey Mid uu Maayarku ka Laaluushayo Fiisihii Martiqaadka ahaa.


Sikasta ha ahaatee Waxaa Maayarka Gabiley lagu Kaaraantimeeyay Dhinaca Caasimada Hargeysa, Gaar ahaan Huteelada la Geeyay Dadkii dhawaan Kusoo Noqdey dalka ee intooda badani ka Yimaaden Dalaka Yurub.


Loading...
Loading...