Dawlada Jabuuti Oo Badalaysa Wakiilkeed U Fadhiya Magaalada Hargeysa

0
Sunday March 29, 2020 - 17:52:14 in News by
  • Visits: 3453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Jabuuti Oo Badalaysa Wakiilkeed U Fadhiya Magaalada Hargeysa

    Dawlada Jabuuti Oo Badalaysa Wakiilkeed U Fadhiya Magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Jabuuti Oo Badalaysa Wakiilkeed U Fadhiya Magaalada Hargeysa


Dawlada Djibouti ayaa la filayaa in ay dhawaan masuul cusub u soo magacowdo Xafiiska ay ku leedahay Somaliland, kaasoo bedelaya wakiilka  iminka xafiiskaasi madaxda ka ah Xuseen Cumar Kawaaliye oo xilkaasi hayey tan iyo markii la furay Xafiiska sanadkii 2015-tii.

 




ilo-wareedyo ku dhow dhow qasriga looga arrimiyo dalka Djibouti, ayaa laga soo xigtay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arrimaha dibada ee dalkaasi wada-tashi ka yeesheen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Xafiiska Dawladdiisu ku leedahay Somaliland.


 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalkaasi oo ku saabsan sababta iyo goorta isbedelka maamul loogu samaynayo Xafiiska Wakiilka Dawladda Djibouti ee Hargeysa, sidoo kalena ma cadda in ilaa hadda qorshe la xidhiidha hindisahan la soo gaadhsiiyey madaxa Xafiiskan iyo in kale, inkasta oo sida la tibaaxay uu isaga laftiisu dareensan yahay in ay Xukuumadda uu wakiilka u yahay aanay la dhacsanayn shaqadiisa iyo hannaanka uu u shaqeeyo xafiiskiisu.


 


 

Loading...
Loading...