Somaliland Oo Beenisay Inay Dawladda Somaliya Ka Heshay Qalab Caafimaad

0
Sunday March 29, 2020 - 10:54:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Beenisay Inay Dawladda Somaliya Ka Heshay Qalab Caafimaad

    "Haa wey jiraan Arday dalkeena u dhashay oo dalka Itoobiya ka yimid"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haa wey jiraan Arday dalkeena u dhashay oo dalka Itoobiya ka yimid"

 

Hargeysa (HWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay oo waxba kama jiraan ku tilmaantay war saxafadeed ay baahisay Dawladda Somaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, oo sheegtay inay Somaliland gaadhsiiyey qalab caafimaad,oo lagaga hor tagayo Coronavirus.

 

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Arday reer Somaliland ah oo dalka Itoobiya ka yimid, dalkana dib ugu soo laabtay, iyo waxaa uga meel yaala Xukuumad ahaan Coronavirus haddii dalka lagu arko, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay qalabka caafimaad ee dawladda Somaliya sheegtay inay Somaliland gaadhsiiyey, "Qalab caafimaad oo aanu Somaliya weydiisanay oo ay na soo gaadhsiiisay haba yaraate ma jiraan, Somaliyana nooma taliso, waxaynu rabnana iyada u sii mari mayno, ee qalabkan caafimaad ee inaga soo gaadhay waxay ka mid yihiin dawooyinkii aynu walba ka heli jirnay Qaramada Midoobay,qalabkana waa ka hor tag”.

 

Mar uu aanu wax ka weydiinay Ardayda Itoobiya ka soo laabatay ayaa yidhi "Haa wey jiraan Arday dalkeena u dhashay oo dalka Itoobiya ka yimid, Ardaydaas waan hubnaa caafimaadkooda, haddana wey caafimaad qabaan,Ardayda badan baa dalka dib ugu soo laabtay, Arday kalena wey soo socdaan, dabcan mar walbana caafimaadkooda waanu hubaynaa, anaga oo waliba hubna caafimaadkooda, haddana waxaanu siinay wacyigelin balaadhan, oo waxaanu ugu baaqnay inay Guriyahadooda isku karantimeeyaan”.

 

Mar aanu waxaa ka weydiiinay inay meelo u diyaariyeen iyo in aanay u diyaarin dadka looga shakiyo xanuunka  Coronavirus "Dadka looga shakiyo xanuunka Coronavirus Xukuumad ahaan waanu u diyaarinay meelo aanu ku karantimayno, ilaa haddana xanuunkana dalkeena muu soo gaadhin, wax walba oo lagaga hor tagi karana diyaar ayaanu u nahay Xukuumad ahaan, oo wacyigelin balaadhan ayaanu wadnaa”


Loading...
Loading...