Karantimayn Mise Faafin Xanuun

0
Sunday March 29, 2020 - 09:03:51 in News by
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Karantimayn Mise Faafin Xanuun

    Waar yaa Illaahay yaqaana!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waar yaa Illaahay yaqaana!


Hargeysa(HWN):- Dhibka ugu weyn ee xukumada kornaylka haysataa waa dadkii laga shaki qabay oo sidii saxda ahayd loo ilaalinaynin ama an loo karantimaynaynin waxana tusaale inoogu wacan dadkii hotelada la geeyey lagana shaki qabay oo an qololkoodi si fcn loogu karantimayn, basakay so racayeen oo an gaar looga dhigin ama an la buufinayn, dadka u adeegaya ee hotelada ka shaqaynaya oo an xidhnayn protection, iyagoo debeda iskaga so baxaya, suuliyada oo dadka kale la wadaagayaan.



Hadaba waa yaabe ma karantimaynba mise waa faafin korona fayraska.

Waxa is weydiin leh.

1: ma aqoon daraa?

2: ma kharash ka cararbaa?

3: ma dan ka gelid la'aanba?

4: ma tamar darnaanba?

Waar Kornaylada Casuumid iyo Karantiimayn ayaa iskaga khaldan.


Bal Qofka laga shakiyey Ee Hotel badhtanka magaalada la keenay ka waran?


Ka hor-taga Xanuunka dhamaanteen ayuu waajib innagu yahay, oo waa dan inna Midaysa.


Waar Dadku ha kaco Dan-yare iyo Tijaarba aynu meel magaalada ka baxaan Dadkan sariiro u geyno, oo u diyaarino.

Hadduu inoo yimaado Alle ma keenee inoo Abtirin maayo, Hanti iyo Xil inagu kal xigsan maayo ee aynu Baraarugno.

Gudiduna shaqadooda ha gutaan.

Hadhwanaagnews.

Hargeisa Office.

Loading...
Loading...