Maamulka Xaafad-Tooyadda Oo Fidinaaya Cudurka CoronaVirus ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday March 29, 2020 - 09:05:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Maamulka Xaafad-Tooyadda Oo Fidinaaya Cudurka CoronaVirus ( Abdi-Shotaly).

    Dhamaan dawladaha caalamku qaarad ay ku yaalaan-ba,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan dawladaha caalamku qaarad ay ku yaalaan-ba,
waxay dagaal weyn ugu jiraan oo aan kala go' lahayn, Siddii ay u joojin lahaayeen cudurka meeraaya, ee magaciisu uu ku qoran yahay cinwaanka sare, Xanuun-kaas oo ka soo bilaabmay dalka shiinaha, ka dib markii ay cuneen Masas-ka aadka u khatarta ah, ee Afka Ingirii-siga ah loo yaqaano ( Poisonous Python Snakes), Ee ay sun-toodu aadka u xun tahay, bishii Diicamber ee sanadkii ina dhaafay 2019-kii. Halkaana uu ka dhashay xanuunkan aan kor ku soo sheegay, kaas oo socod-kiisu uu yahay xawaare ka dheeraaya, orodka diyaaradaha dagaalka ee hawadda isku laba roga, waa cudur si dhakhso ah ugu fidaya dunidda dhamaan-teed. Mudo afar bilood oo keli ah ku siman meel kaste-ba gaadhay, dilaana ah oo kumanaan qof si deg-deg ah u sahayday, kuwaas oo kala jooga daafaha dunidan aynu ku kor joono. Bani'aadamka nool marka loo qaybiyo afar meelood, saddex meelood oo ka mid ahi iyana guryaha bay ku xaraysan yihiin, lagu yidhina ha ka soo bixina ee jooga guryi-hiina, Maamuladda aduunka ka jiraa iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ( UN-ta), qayb-teedda la yidhaaho (Who) ee caafimaadka aduunka u qaabilsani, wixii ay lacag haysteen ama u yaalay ee kaydka u ahaa, waxa lagu kharash-gareeyey siddii loogu heli lahaa dawo, xauunkan isaga ah oo aan ilaa imika la helin daawo. dhaqaalihii caalamku gebi ahaan-ba hoos buu u dhacay, Diyaaradihii caalamiga ahaa iyo kuwii gudha ahaaba dal kastaa wuu joojiyey, Basaskii, tareenaddii, tagaasiddii iyana meel baa la iska dhigay, si aanay cidi u raacin, xataa Masaajidaddii, hudheeladdhii, maqaaxiyihii, iyo meelihii la isugu iman jirey, kuligood albaabka baa loo xidhay, si loo yareedyo in la kala qaado ( Illaah ha inaga hayee). wax kastaa way is taageen, la isma salaamo, inta ugu yar ee aad qof u jirsan kartaa waa laba mitir, wax walba waa la xadiday, ka xanuun-saddda lama soo booqdo, qofka ku dhinta 99% waa la gubayaa, diin kaste oo uu haystaba. halkaas buu xaal ka marayaa aduunka.

 

In kastoo ilaa hadda wax walba la isku deyey, misna wuu sii kordhayaa xanuunku, geeri-duna way sii badanaysaa, caalam-kuna wuu sii kala xidh-mayaa, waa cudur ilaa hadda aan faro lagu hayan, dawo lagu joojiyo iyo farsamo toona lagu xayiro-ba, laakiin si aan xad lahayn loola dagaala-maayo, siddii loo soo af jari lahaa, ha-yeeshee weli laguma guulaysan arin-taas iyadda ah, si kaste oo wax la isugu dayo-ba, fara-huua ka sii baxayaa, Dadkii way qanasan yihin, oo waxay ka werwe-rayaan in uu beri noolaan doono ama qaadi doono xanuunka iyo in kale. aduunka inta la ogaaday in ay qaadeen mooyaane, in tii kale-na  waa ay is karan-tiimeeyaan, qof-na-qof ma salaami karo, umana dhawaan karo, oo waa la kala irdhoobay. wax xal ah oo la isku hor taago-na, ilaa imikadan aan qoraayo maqaalkan lama hayo, uunkii babiso baa loo riday, oo ha isu tegina baa la yidhi, sidaa oo ay tahay muwaadin, oo xaalku uu maraxala-daas marayo, bal ila eega waxa ay ku kacayaan, ma naxaanadda dhiig miiradka ah ee ka botoriya " Xaafa-tooyadda Hargeisa" waa guriggii moorgane, waa kuwa dulinka ah, ee dhiig iyo dheecaan-ba ka jaqay muwaadi-niintii u dhalatay dalka. Kuwani iyaka baa  beeraaya xanuunka, halka uu aduunka akle kala dagaala-maayo, dadku saw malaha hudheel-koodda, Maxay hudheela-doodda u geyn waayeen, saw ujeedo gaar ah kama laha, oo lama rabo in lagu xasuuqo xaafadaha uu ka dhisan yahay " Hotel Sky" , Hadhaw bay dafirtaa oo ma dhex joogin tidhaahaaye, waa tan xaqiiq-ddii ee iga hooya, iyadda oon ku soo koobay wixii dhacay oo keliya. Wax aan lagu ogayn askartani may samayn, intan iyo wax ka sii daran-ba waa lagu hayey, Illaahay iyka haku rido waxay ka baryaan goor iyo allayl in "Garxajis, Arab, Samooron" ay ku dabar jaraane, cadayn-tiina waa tan, ee sidaad doonto u qaado. qof kastaa midhuhuu beerto buu madha-xeedda gur-taaye, iyaka ( Waa labadda askari iyo Dulinka ay adeegsa-daane) buu ugu horeyn oo uu ku dhici doonaa insha-allaa-huye, waana la hubaa, in ay u dhiman doonaan, waayo masaakiin aan wax ka galabsan, bay xunuun dhex keenayaan ( Rabbi wax-ba lagama qariyo) ee iyaka buu haleeli goor ay noqoto-ba.

 

Marka ay sidaa aan sare ku soo sheegay uu aduunku ku jiro, ee meel walba la kala xidhay, Maamulka askarta " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani" Waxay u shaqay-nayaan qaab ka soo hor jeedda ka aduunku isugu tegay in uu xal u helo, oo dad-koodda ay ka nabad geliyaan xanuunkan dilaaga ah ( inta awoodoodda ah), balse "Illaah ha inaga bad-baadiyo'e) Kuwo iyaka laf-toodu xanuunka qabay weli-good-ba, weliba ay u raacsan tahay cuqdad iyo colaad beelo gaar ahi. waxay ku tashadeen in ay sii faafiyaan, si ay ugu dabar jaraan " Beelaha Arab, Samaroon Iyo Garxajis" oo ay u arkaan colaad mamaul-koodda ka soo hor jeeddda. waana tan runtii oo aan biyo is marini, ee ku soo dhawaw, dan baanan ka lahayn jeegaan difaaca maamulka daacuunka qaba, ee bilaa dawadda ah, kuwa sacab ugu garaayacaw wax kaste oo aad tidhaahaan-ba. Diyaaradda ay leedahay dalka aynu jaarka nahay ee "Itoobiya" ee la yidhaaho Ethiopian Airline, baa mudo afar cisho hor-teed ah rakaab keentay, Garoonka Maamul Goboleedka Hargeisa, ee ay askartu u goosteen in ay ku Ceeshaan oo qudha. Dad-kaas ay siday diyaaradu waa laga shakiyey, in kastoo wax lagu baadhaba aanay haynin, una jeedin, ee xaal-koodu yahay maxaad xadaan ama cun-taan. iyaba waa yaabe, halkii laga go'doomin lahaa, ee meelo gaar ah lagu karan-tiimayn lahaa, shicibka caafimaadka qabana laga fogayn lahaa, xaal-koodu caafimaad lagu baadhi lahaa goobo loo cayimay. Intay la soo ordeen kuwa meesha joogaa, oo uu hor socodo " Geenyo Shaaximani, lana socdaan mid ay ku sheegaan  wuxu haystaa Caafimaadka ( Caafimaad ma jiro'e), ka diinta iyo awqaafta ay ku-sheegaan, oo ah kii yidhi mikinisad baan ka dhisayaa hareysa, Masaajidaddii Rabbi ee Dogoble-na Dumiyey, intaas oo wadda dadkii cudurka qabay, baa waxay keeneen hudheelka la yidhaaho " Sky Hotel" oo ay leeyihiin Graxajis, khasab ku seexiya markii baa lagu yidhi dadkii lahaa, kolkii ay diideen ninkii iyo xaas-kiisii lahaa, baa jeelka loo taxaabay, waayo waxay doonayaan in dadka laga eryo hudheelka seexdda, xaafadaha uu ku yaalaana, waxa degen " Arab Iyo Garxajis", taas oo ah ku tallo gal ay rabaan in ay ku dabar jaraan xanuunka oo ay qaad-siiyaan, waa beelaha ay colaadda u hayaan ee kala ah "Samaroon, Arab Iyo Gaxajis" kuna faafiyaan xanuunka xaafada-hoodda, beelaha aan sare ku soo qoray, illaah iyaka ha ku foora-riyee, oo xanuunka ay beera-yaan iyaka ha cuskado'e. kuwa la leeyahayw aa dawlad waa kuwaas, ee maxay-din sheegi ee kale, ma wax qarsoon baa, inta aiyo kuwa ku raacsan ee raalidda kaga ahba, illaahay wuu arkaa, oo kuwan wax yeeli-maayo, kuwa waxaas samaynaa-yana wuu haleeli doonaa, rabbi wax kama dedna'e.

* N.B Qof-ba Midhaha uu Beerto, Buu Madha-xeedda Gurtaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...