Fariinta Maanta (Tala-Qaran Iyo Tilmaamo Haboon)
TALADA 1AAD. (UGAARA MADAXWAYNAHA QARANKA MUUSE BIIXI)
Mudane madaxwayne adoo qadarin, sharaf iyo karaamo iga mudan waxaan jeclaystay in aan halkan kaaga soo jeediyo talo qaran maadaama oo aan ahay mudaawin xaq u leh talo soo jeedinta madaxwaynihiisa wixii qaranka anfacaaya ee u dana.
Mudane madaxwayne waxaanu aad u saluugnay hadaanu nahay aqoon yahanka qaranka iyo bulshaduba qaabka dowladu ugu talo gashay karintiinka dadka dalka soo gala, adigoo og in ayna diyaar sananayn meel u gaara oo ay dowladu ugu talo gashay karantiinka iyo in la dhigo cidii xanuunku soo ritay, halka imikaba lagu hayo hoteelo, dadkii inagoo og in hoteelku yahay goob dad wayne oo wax laga iibsado taasna ay sababayso in xanuunku baaho oo uu cidkasta oo hotelkaa tagtaa si fudud uga soo bixi karto, waxaa suurto gala in la bookhdo dadkaa oo ehelkoodii u tagaan taasina xanuunka soo dusiso dadka kale, mudane madaxwayne waxaa haboon in aad qaado talaabooyin dhaxal gala oo aanad cidna ku halayn hada intaan xaalku faraha ka bixin.
Sidaa awgeed waxaan kuu soo jeedin lahaa in dowladu LABA MEELOOD U QOONDAYSO dadka la rabo in la karinti nimeeyo ama la dhigo dadka uu xanuunku soo rito labadan goobood.
1.SCHOOLKA ABAARSO TECH LA YIDHAAHDO: oo ah meel gaara oo ay fududahay in lagu hayo dadka isla markaana askar gaadh ka haysa loo diri karo oo korka ka ilaalisa, oo si fiican u xafidan, waa goob dadka ka fog caasimada oo ku haboon karantiinka. iyo in la dhigo bukaankaba.
mudane madaxwayne way ku haboontahay in abaarto tech aan isticmaalno oo dowladu la wareegto in mudo ah maadaama oo schoolkii fasax yahay, goobtuna tahay hanti qaran.
2. DAYRKA MADAXTOOYADA GALBEEDKA: Mudane madaxwayne waxaa haboon Iyana in aan isticmaalno goobta aad ugu talo gasheen madaxtooyada cusub ee dayrka leh kuna taala galbeedka caasimada, halkaas oo ay ku haboontahay in laga dhiso taandhooyin, sariiro iyo dhakhaatiirna lagu diyaariyo kuwaas oo aynu aad u taba barno, lana diyaariyo oo heegan la galiyo hadaba, taasna kharash ayey kaaga baahan tahay aad ku kabto wasaarada caafimaadka. waa goob labaad oo aan kuu soo jeedinaayo isticmaalkeeda madaxwayne.
mudane madaxwayne aad iyo aad ayey u hoosaysaa wacyigalinta bulshada ee cudurka
gudiduna kuma filna sidaas tarteed waxaan u baahan nahay gudi farsamo caafimaad
iyo media experts oo diyaariya campaign buuxi oo isugu jira publication of IEC
materials sida poostaro iyo fariimo caafimaad oo lagu dhajiyo maga
TALADA 2AAD. (UGAARA GUDIDA KA HORTAGA CUDURKA KAROONE)
a. Gudida waxaan u soo jeedin lahaa in ay talo iyo tusaalaba waydiiyaan
xirfadla yaasha caafimaadka, oo ay ka shaqaysiiyaan mihnadlayaasha caafimaadka
ee dalka jooga guud ahaan ilaa heer gobol kuwaas oo ay dhammaantood u heegan
galiyaan in ay la shaqeeyaan gudida si heer qaran ah.
b. Gudidu waa in ay la shaqeeyaan wasaarada warfaafinta iyo media dalka guud ahaanba, si ay fariimaha caafimaad ee ay baahinayaan u gaadhaan dadka oo dhan, waa in ay media la galaan heshiis wada shaqayneed oo heer qaran ah, iyagoo ka dalbaaya in ay ka qayb qaataan wacyigalinta bulshada ee xanuunka si loo baahiyo baahiyo barmaamushyo gaagaaban oo bulshada ku dhiirigalinaaya in ay waxbadan ka ogaadaan xanuunka iyo sida ay iskaga ilaalinayaan, allah hayna dhowree.
c. Wacyigalintaas waa in loo adeegsadaa qaabab kala duduwan sida in la sameeyo daabacado boodhan haga dadka, oo xanbaarsan fariimo caafimaad, ama leaflets dadku ay akhristaan, fariimo gaagaaban oo TVyadaka baxa habeenkii iyo marwalba, gudidu waa in ay dadka bartaa halka ay la xidhiidhayaan haday xanuun dareemaan, ama shakiyaan, wacyigalinta waa in loo adeegsadaa xataa microphone gawaadhi la saaray oo dadka suuqa kala hadla una sheega fariimaha caafimaad, howshaas oo ay fulindoonto dowlada hoose ee gobolada dalka oo dhan.
d. Gudidu waxay u baahan tahay diyaar garow fiican oo dhanka farsamada ah, sida
diyaarinta meelo karantiin oo dadka lagu hayo, waa in ayna dhicin sida hadaba
dhacday ee ah in dadkii laga soo qaaday eriboodhka lagu soo qaaday basaska
bulshadu adeegsato kuwaas oo markii ay dadka hutaalka geeyee Hargeisa dib ugu
soo laabtay si ay u rakaabsadaan arrintaas oo khaladwayn ahayd caafimaad ahaan.
e. Gudidu waa in ay la shaqaysaa hayada amniga iyo maayirada gudoomiyayaasha gobolada si loo fuliyo awaamiirta dowlada iyo gudida ee la xidhiidha ka hortaga xanuunka KAROONE, si loo ciqaabo cidii u hogaan sami wayda awaamiirta ka hortaga xanuunka ee heer qaran.
f. Gudidu waa in ay soo saartaa fariinta caafimaadka oo waxna nahyidaa waxna
soo jeedisaa, taas oo loogu celceliyo bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba
,wali ma arag barmaamush qudha oo gudidu soo saartay ilaa iyo intii la
magacaabay, marka laga reebo shir jaraaid oo ay ugu talo galeen warbaahinta,
xataa ma ogin guulaha ay gaadheen iyo caqabadaha ka horyimid gudida ee dhinaca
xanuunka iyo ka hortagiisa, sidaa darteed waa in gudidu dadka warbixinta u
siisaa si joogto ah, oo isku xidhan had iyo jeerba.
TALADA 3AAD. (UGAARA BULSHADA GUUD AHAAN)
Walaalayaal xanuunku wuxuu marayaa maanta (629,355 qof) guud caalamka, waxaa dhintay oo xanuunkani dilay ilaa hada (28,963 qof) caalamka oo dhan, Ethiopia oo jaarkeena ah wuxuu hada marayaa (16 qof) kenya wuxuu marayaa (38 qof) waxaa dhimasho ah 7 qof oo xanuunku dilay kenya, jabouti wuxuu marayaa (12 qof) waa saddexda dal ee jaarkeena ah, taas macnaheedu waxaa weeye in ay suurto gal tahay in xanuunku si dhibyar inoogu soo gudbo maadaama oo ay jaar nahay.
Waxaa jirta hadaba in bulsho ahaan aynu samaynayno khaladaad badan oo sababi kara in xanuunku baaho haduu ina soo gaadho. waxaa ka mida kuwan hoos ku qoran.
1. GOOBIHII BULSHADA OO WALI FURAN OO CAMIRAN
Wali waxaa jira in goobihii bulshadu camiran yihiin oo ay dadku iskugu imanayaa, sida maqaaxiyihiin, hoteelada, mafrashyadii iyo guud ahaanba suuqii oo sidiisii u buuxa.
2. ISKUULADIII LA FASAXAY OO DHIB KALE KEENAY:
Waxaa la fasaxay iskuuladii si loo xakameeyo xanuunka laakiin waxaa soo baxday in ardaydii iyo caruurtii kuwii iskuulka iyo kuwii banaanka joogayba ay camirteen garoomadii kubada ee kuyaalay xaafadaha iyo xaafadaha indhooda oo ay koox koox iskugu yimaadaan, waxaa muuqata in aynaan xaruurta waxba u sheegin sidaa darteed bulshooy waalidkastaa waa in uu xaruurtiisa wax u sheegaa oo uu ka fadhiisiyaa suuqa.
3. WAXAA MUUQATA IN DIYAAR GAROWGA BULSHADU AAD U HOOSEEYO:
Ilaa iyo hada sida muuqata bulshadeena wacyigeenu aad iyo aad buu u hooseeyaa marka loo eego khatarta xanuunka iyo xawliga uu ku socdo sidaas darteed waxaa haboon in bulshada aqoon yahankeeda, culimadeeda, indheer garadkeedu ay wacyigaliyaan buslahda si iskaa wax u qabso ah. ay loo dhiso aqoonta bulshada ee caabuqan karoone.
ugu dambayntii waxaan ku soo gabo gabayn lahaa taladaydan "Dhul ameerikaaniyo ilaa aradka jayniyo afrika iyo orobiyo idilkeedba dunidii aafaa sadhaysoo way kala irdhowdee, allow sahal umuuraha adaa noo arxamayee,Aafada karoonaha, ka ilaali eeboow idilkood islaamkiyo arladeenan laantiyo dhamaan aradka Soomaal” @KLO.
Abdirahman Abdilahi Muuse
Mass Media and Communications Expert
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!