Faallo:- Dawladnimo Reer Keligii Ku Munaafacafsado Sow Midnimo Ma Dhaanto

0
Sunday March 29, 2020 - 08:47:02 in News by
  • Visits: 2765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Dawladnimo Reer Keligii Ku Munaafacafsado Sow Midnimo Ma Dhaanto

    Somaliland Maanta Wixii Dumey Bay Lahayd!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Maanta Wixii Dumey Bay Lahayd!

Hargeysa(HWN):- Soddon sano ku dhowaadkii ay Soomaalidu dawladnimadu ka maqnayd waxa dayac weyni ku yimi hibooyinkii iyo aqoontii dadka Soomaaliyeed oo lagu tiriyo bulshooyinka adduunka ugu maskaxda furan.


Waayadii ay Soomaalida dawladdu u dhisnayd waxa sannad kasta soo bixi jirey dad badan oo hiboolayaal ah oo nolosha qayb kasta ka soo bixi jirey, horumarkeeda iyo quruxdeedana ka qayb qaadan jirey.



Hibooyinkooda ayaa bulshada ka dhex tisqaadi jirey. Waxa la la kulmi jirey waxsoosaarkooda maskaxeed iyo tooda muruq-maal oo karti iyo tayo ja dhex ifayso.


Isirka ugu weyn ee dadkaas hibooyinkooda qarxin jirey waxa uu ahaa dawladnimada, degganaanshaha siyaasadeed iyo xasilloonaanta nafsadeed ee geyiilaha ama muwaaddinka Soomaaliyeed.


Sannad kasta waxa soo shaacbixi jirey oo saaxadda iman jirey siyaasiyiin mutacallimiin ah oo magac san, waxqabad miiggan yeesha iyo saraakiil fadhiga loiga kaco oo lagu xushmeeya kaalinta ay bulshada u buuxiyaan.


Waxa sida laaca u muuqan jirey qoonyahanno magac iyo martabad yeesha (dhakhaatiir, muhandusiin) iyo macallimiin dedaalkooda ku meel-mara oo magac iyo tixgelin ku hanta.


Waxa soo bixi jirey weriyayaal aqoontooda iyo codkooda cabqariga ah quluubta bulshada dhegeysanaysa ku kasbada oo tuf iyo tisqaad yeesha iyo culimo dadka idaahadaha ka wacdida oo lagu ixtiraamo.


Waxa soo mudhbixi jirey oo hanaqaadi jirey abwaanno halabuurkoodu iidaan iyo dux yeesho iyo heesaa caanbaxa oo bari iyo bogox ba madiixa heesahooda dhegta loo raariciyo oo gabayo nuxur leh iyo heeso hallaasi ah oo macno iyo af Soomaali wacan oo xigmadi ku shaqlan tahay xambaarsan.


Waxa hanaqaadi jirey ciyaaartoy laamaha ciyaaraha ka soo kala baxa oo jiilasha ka dambeeyaa ku daydaydaan oo kubbadda cagta, shebegga, laliska, miiska iyo ciyaaraha fudud ilaa heer caalami ugu soo bixi jirey.


Dad farsamayaan ah oo kala duwan baa nolosha la falgeli jirey oo waxsoosaar badan lahaa. Waxa ka mid ahaa kuwo dharka tola, kabaha tola, qalabka kala duwan ee adeegsiga soo saara oo caan noqda iwm.


Waxaas oo dhan waxa lahaa dawlanimada iyo meel u wada jeedka bulshada.

Soddon sano ku dhowaadkii dawlad la'aanta iyo tafaraaruqu nolosha hadheeyeen maxaynu soo qaadan karnaa oo inoo soo baxay?


Waxoogaa culimo ah oo khayrkooda iyo sharkooda yeeshay ayaa la dareemi karaa oo saaxadda ku soo kordhay iyo siyasiyiin intooda badani caloosha ka fekeraan, dalqadana wax ku eegaan oo aan tisqaad siyaasadeed iyo wax wacan oo lagu xusuusto aanay ka hadhin.


Abwaanno iyo heesaa hal habeen intooda badan waxsoosaarkooda lagu moodo oo aan badiba hanaqaadin iyo aqoonyahanno intooda badani aan wax saamayn ah nolosha ku lahayn oo "buug buug sita u badan) ayaynu la kulannaa iwm.


Dadkii waagaas hore hanaqaadi jirey bulshada Soomaaliyeed waa ay ka dhashaan hadda ba, hase yeeshee hibooyinkooda iyo aqoontoodu waxa ay inta badan ku dul bakhtidaa maskaxdooda. Halabuurkii iyo waxsoosaarkoodii maskaxeed waa ay ku dul dhintaan. Caansiir iyo caas baa ku dhacay markii ay waayeen wixii iyo halkii ay hibooyinkooda ku qarxin lahaa,myeen. aqoontooda na laga faa'iideyn lahaa. Waa haybaddii dawladnimo iyo ummad wadajirta oo meel u wada socota.


Hibooyinkii iyo aqoontii dad badan oo Soomaaliyeed waxa ay soddon ku dhowaadkii u dambeeyey la mid noqdeen roob mahiigaan ah oo ku da'aya dhul laami ah oo sibidh iyo daamur lagu kebbisey. Cidla' ayay ku luntay ama ku lumaysaa hibo iyo aqoon oo dhami, markii reero aan is indha-buuxin karin waddankii iyo dawladnimada qurub qurub loogu kala googooyey, ee koox iimaanku ka dhoofay mashaariicsadeen.


Aqoontii iyo hibooyinkii dadka waxa la geliyey muqdi. Waxba aqoonta lagu ma falo. Waxa meel walba hormood ah aqoon-darro. Aqoontu waa dhulkeenna waa ka dayro.


Waa taas ta keenaysaa in garashadii iyo garaadkii dhuuntaan, xishoodaan, hibooyinkii na gabloolaan oo gudhaan ama qaadhaan.


Maalinta la helo dawladnimo milge iyo haybad leh oo danta guud ka hormarisa danta gaar, sharcina ku dhaqanta iyo bulsho dawladnimadaas iyo isku duubnideeda u heellan, ayaa inoogu horrayn doonta dad lagu soo xusho karti iyo hufnaan, aqoon iyo waayo-aragnimo, iyo hibooyin qarxa oo sida ubaxa afka u kala qaada. Waa maalintaas marka uu xilku heli doonaa wixii uu xil ku niqin lahaa ee macnaha iyo martabadda yeelan lahaa.


"Ninka diiddan taasow

Weligaaba doon doon

Derejada carbuunta ah".

Midnimaan mar kale doonayaa aan u meel dayo.

Wax reer keligi isu koobay.


Hadhwanaagnews.

Hargeisa office

Loading...
Loading...