Somalidu Waxay Tidhaahdaa.Adoo Nabad Haysta ,Beloy Kaalay Lama Yidhaahdo, Arinta Ganacsade Axmed Geele Waa In Wanaag Lagu Dhameeyaa.

0
Friday April 05, 2019 - 17:35:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalidu Waxay Tidhaahdaa.Adoo Nabad Haysta ,Beloy Kaalay Lama Yidhaahdo, Arinta Ganacsade Axmed Geele Waa In Wanaag Lagu Dhameeyaa.

    By Mid roobe Geedi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By Mid roobe Geedi Xukumada madaxweyne muuse biixi waxaan leeyahay ninKii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo,markaa arinta ganacsade Axmed geele waxaan u arkaa in haddii ay dajin weydo xukumada JSL,iney keenikarto faro kabax balaadhan intaa maanta ay taagan tahay in kasiibadan iney gaadhi doonto.



Somalida tidhaahda.Allow aqoon xumo hannagu cadaabin eexona hannooga tegin,markaa dawlada Waxaan leeyahay aqoon xumo mahaysee eexbaa ku jirta waayo?kolkaad eegto hadaladeeda waxaad modaa iney fulineyso go,aamo looga soo dhiibey wasiir Maxamed kaahin dalka Djibouti.


Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gadhaaya Djibouti markii w/wasaarada arimaha gudaha JSL maxamed kaahin uu tegey,waxa loo soo dhiibey sadex 3 arimood inuu fuliyaan dawlada JSL.1= in general xudhuun laga eryo ama laga qaado taliyaha ciidamada Asluubta.2= labo in w/wasaarada gaashaadhiga loodhiibo Abdiqani muxumed caateeye oo ay isku reer yihiin madaxweynaha dalka Djibouti Ismail Omar Guelleh . 3= sadex in loo soo dhiibo dalka Djibouti ama loo soo gacan galiyo ganacsade Axmed geele oo asal ahaan ka soo jeeda dalka JSL.


Madaxweyne muuse Waxaan odhan lahaa.Awr kala guurtay uur kala guurey baa ka xun. Waar qabaa,ilka reer somaliland ayaan la iska horkeenin,maanta shacabka JSL adaa madaxweyne u ah ee ka,ilaali fitno colaadeed iney ka bilaabanto dalka yar ee wax aqoonsi ah aan haysan.


Madaxweyne Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon, oo La fadhiiso dadka aqliga badan , xitaa haddii ay yihiin cadawgaaga, waayo caqligu caqliga ayuu la hadlaa, mudane madaxweyne.


Ganacsade Axmed geele waa geesi maal galin balaadhan ku sameeyey qaranka JSL wax weyna ku soo kordhiyey , shaqo abuur badana u sameeyey dhaliyarada reer somaliland,markaa mudane madaxweyne inagama muteysto inaan u dhiibno dalka Djibouti,maadaama aanu ka galin dhagar Djibouti oo ay tahay waxa leysku hayaaba lacag.


Mudane madaxweyne Geesinimadu waa qiimaha keliya ee lagu iibsan karo nabadda, maanta somaliland waxay u baahan tahay nabad taasina adiga ayaa ka ah masuulkii ugu sareeyey dalka JSL ee waa inaad kala badbaadisaa beelaha dalka wada dega.


Mudane madaxweyne Tijaabada ugu weyn ee lagugu qiyaasi karaa maanta waxay tahay arintaasi dalka gariirisey sida aad ka yeesho ama go,aanka aad ka qaadato ,geesinimaduna waa adoo aan u gacan galin ganacsade Axmed geele oo runtii shacabka reer somaliland ay u hayaan abaal weyn.


Madaxweyne dalka Djibouti maaha dal garsoorkiisu madax banaan yahay sidaasi darteed umada reer somaliland kuma kalsonan karaan maxakamadaha dalkaasi waayo? Djibouti maaha dal dumuqraadi ah ee waa dal qoys ka taliyo siduu doonana ka yeelo.

By Mid roobe Geedi

[email protected]

Toronto canada

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...