Dawlada Soomaaliya Oo Xaqiijisay In La Helay Qofkii Sadexaad Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

0
Friday March 27, 2020 - 17:09:46 in News by
  • Visits: 1581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Xaqiijisay In La Helay Qofkii Sadexaad Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

    Dawlada Soomaaliya Oo Xaqiijisay In La Helay Qofkii Sadexaad Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Xaqiijisay In La Helay Qofkii Sadexaad Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in la xaqiijiyey qofkii sadexaad ee uu ku dhaco xanuunka Coronavirus.




Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shaqaale ka mid ahaa qandaraaslayaasha ka howlgalla xerada Xalane laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).


 
 
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs. Fowsiyo Abiikar ayaa sidoo kale xaqiijiyay kiiskaan, iyadoo sheegtay inuu yahay shaqaale ajnebi ah oo soo maray waddamo uu cudurka si aad ah ugu faafay.


Qofka laga helay cudurka ayaa ku jiray karantiil sideed maalmood kahor ogaanshaha cudurka, waxaana uu noqday qofkii ugu horeeyay ee ay kasoo muuqdeen caalamadaha cudurka, marka loo eego saddexda qof ee xanuunka laga helay gudaha Soomaaliya.


Wasiirka caafimaadka waxay sheegtay in dalka dibadiisa lagusoo xaqiijiyay natiijada baaritaanka islamarkaana dowladda aysan weli ku guulaysan inay hesho sheybaarka lagu baaro cudurkaan.
Loading...
Loading...