Nin Indho La' Wax Looma Tilmaamo ( Abdi-Shotaly).

0
Friday March 27, 2020 - 11:44:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Indho La' Wax Looma Tilmaamo ( Abdi-Shotaly).

    Tallo xumo taran ma leh,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallo xumo taran ma leh,
waa murti ay dheehan tahay xikmad iyo micnayaal badani, siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, waxan-se imika ka qaadan doonaa, ta ka hadlaysa ruux taladda xun in aan wax laga dheefin burbur mooyee, wax yaabo badana ku haleeyey is-waal iyo farsamo daro, nacayb, iyo isaga oo aan aqoon u lahayn, waxa uu faraha la galay, sidda askarigan saalax-wareesan, dhan uuu ujeedo iyo dhan uu ka jeedo mina aan la garanayn, is dhex-qaaday siddii caano aysiidh lagu dary. markii la yidhi ka daana is dhega maray, dabeed-na ku banjaray siddii gaadhi xamuul ah buurta sheekh badhtan-keedda. markii ay ku haboo-nayd, uu haystay fursada-na ay balaayo u hilaacday. laakiin-se si kastaba ha ahaatee, ay dhaaftay mudaddii uu wax ka taransan lahaa, ka dib-na qoomameeyey jaaniskii ka khasaaray, foodana la galay dhibtii uu kaga gudbi lahaa, haddii uu sida ugu wacan markii ay joogtay wadadeeda u maro, digadda kulul ee uu cagaha la galayna aanay timaadeen maanta, ee sidii uu rabay bay u kala socon lahayd, mase dhicin ee labadda gacmood buu laba-dible iskaga xidhay qab, lugaha-na qoofal laba qafile ah iyo xadhig-maran isku murugsan, oo aan kala lahayn af iyo dabo-toona, buu isaga laf-tiisu isku yuururi-nayaa maalin-ba ta ka dambaysa.

 

Waraabaa laga hayaa, ma raydabta baan ahayn kuwii aan doonaaya, ma meesha aan ahayn meeshii,mise anaa is-waydaarsan, ma anaan hlkii joogin, waa tan oo arin waa iga dhabaqsan tahaye, dabeed isaga oo isku meerays-naaya, waa ka sakal cadaw u galay, oo meela aan uga bixi karayn, cid wali-bana ay leedahay ma kii baa dabin idiin galay. oo aan naxariis iyo wax ka fura mid-na aanu filayn, tallo ku ceer-yoontay, oo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, uu ogaaday in aanu rajo lahayn una dhamaatay, dabeed faal ula kala baxay,rog-rogay, dhul-kana intii cidiyihii ku jeex-jeexay,  jaaniggii kale-na  dhafoorka saaray, baadhaayana bal in uu saacadda dib u celin karo, oo uu socdaal hor leh soo bilaabo, waxa sidaas ka dhigan Askartii oo hadda ogaday in ay cidla roorayaan, faal la yidhaaho hoos madoobe baa u baxay, waa kuwaas imikay khali duuraaya, siddii baabuur uu isteerinkii ka xumaaday, oo kolba dhinac ugala baxaya wadadda, kuna hagaajin kari la'yihiin, kala soo dhacay figtii ugu sareysay Buurtii daallo ugu dheerayd ee Surad, oo ay gunta rafanayaan,

 

tallo dhaanta tii jarka ka soo laalaadisay. Nasiib daro-se waxa ku soo booday " Faalkii " mid aan rajo lahayn, oo la yidhaaho "Is maqiiq", micni-hiisuna yahay "  wax-ba kuuma laab-na oo waad xajiimaysan-tahaye, ood iyo Mus walba jiidh, bal in aad meel ku ceshata aad ku beeganto maruun, ilayn muu filayn in uu ilmada wadhayo'e. Akhristaw hadaa dhiigii ku kacay, tallo faraha-ka-haaday oo " Dhaqaa-joogsiga ummaddii ka yaabtay" markaas ba aweliba sidaas ummdda reer Somaliland kay ogaayeen bay sacabka ugu garaacayaan. markaa wixii ku dhacaba iyaka baa ka mansuul ah, tobankii farood oo aan gacan ku oolinina, ay labadda garab ka laalaadaan. Waxana ka dhigay sidaas, tallo ay xaafad keli ahi isku koobtay, mid ku raacsan oo hunguri iyo xil u dhul galay. Waa taa deldelan hadda intii u hadhayna, uu u sii dhameeyey kan mareexaan, ee xamar badhi-saabka ka ahi, markii uu askarigu faruur-yaha ku Jaray Faash, iyadda nooloo oo si quman u taagan, sare jooga lagu gawracay. waa sidda ay Somaliland ka sameeyeen askarta la kala yidhahao " Raggii Ma Adigaa Ka hadhay iyo geenyo shaaximaniye", Oo geeri-go'an ku furay ama kaga daadiyey rarkii, inoo kaday cid walba, markii uu reero inoo kala jebiyey, ee gobol-ba uu gees u faquuqay, bay isu ciidamin kari la'dahay, oo aan halwa-naynaa cirka iyo dhulka meel u dhaxaysa, waa nasiib darro iyo waxa aan marnaba lagu fekerin, in maanta Somaliland soidaas noqoto, dib faraha ugu gasho " Ina Af-lahaar ( Dab-gaale Farmaajo), miyaad ku seexateen, kuna soo toos-teen? waa su'aal ay tahay in ada is waydiiso'e.

 

Hadaba sidaas kor ku qoran nin-ka la midka ahi, ee ka dhigani wax-ba yaan idinku dheerayne, waa ka boqnaha ku gooyey, kuuna sumeeyey inta haad iyo habar dugaag hilibka cunta, waana ninka sare uu magaciisu ku yaalo, kaas oo imika leh " Naf-yahay cawa-daranta ciidmisaa, cadceeda miyaa coloow-deen?" ee cid kaste kuu kaday. Maxaan galab-saday ee aad iga kadee-daysaa? buu waydiiyey naftiisa, isaga oo iska qanacsan, taas oo rabta isaga oon is-ogayn, isna dhaadin in ay si yar uga siibato ( Waa nafta'e), waayo wuu silicyey, ooy karahday in ay ku sii jirto, ilayn isma oga halka ay ka taagan tahaye, waxana ay ugu jawaabtay, oo ay ku tidhi, maanta maaha markii aad wax i waydiin lahayd, hadana ahay nafta kugu jirta, ee aan ku caawin lahaa, markii aad doobta ridaysay, waa adiggii dhegaha duubtay, ee aad sanka iyo af-kaba iga xidhatay, wax-ba maqli waday, tallo iyo nasteexo, kay tahay-ba, ee hadeer maxaad i su'aalaysaa? Waxay u sii raacisay naf-tiisii ( Waa Raggii ma adigaa ka hadhaye) iyada oo xanaaqsan, I dhegayso mid wax gelayaan ma tihide, waxan kuu guud marayaa, oo aan ku xasuusi-nayaa wixii aad iga hoos qaadi wayday, oo ah arimaha ku shidaya ee fur dhegaha, umalayn mayo in aad tahay mid wax marayaane. Ogaw oo horta cidi kuma dooran, ku meel gaadhna laguuma saarin, xaq-na umaad lahayn, mana maamuli kartid, waayo maskax-deedda ma lihid, sidaad wax u wadaana, waa mid ka sii xun tii af-weyne, isna halkuu ku dambayey iyo wixii ka qabsaday caad kaama saara, wax-ba ha is yeel-yeelin. Xaaraan-ba aad ku kufsatid kursiga, ee balsi wacan uun uga ilmo dhal laguugu tag waaye, ka soo maal waa taas cirka iyo dhulka mid-na aan joogin, ee la is kaa waydiinyo'e.

 

* N.B Murush-Maarash Maxay Ku Jiqi? Maxayse Ka Jiqi?

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...