Odey Geele Arab iyo Iyo Ibraahim Dheere hadaanay Dhaqaale Bixin Ma Suurta Gasheen Mujaahidnimada Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Sheegnayaan

0
Friday April 05, 2019 - 16:51:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odey Geele Arab iyo Iyo Ibraahim Dheere hadaanay Dhaqaale Bixin Ma Suurta Gasheen Mujaahidnimada Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Sheegnayaan

    Waxeynu Wada ognahey in Aayaadka Quraanka illaahay ee La inooku Sheegay in aynu Maalkeena iyo Nafteena Ku Difaacno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxeynu Wada ognahey in Aayaadka Quraanka illaahay ee La inooku Sheegay in aynu Maalkeena iyo Nafteena Ku Difaacno  Marka la inagu Soo Doonto,Waxey "Wali Maalikum Wali anfisukum" haddana jihaadkii Islaamka Waxa lava horeysiiyay qofka Maalkiisa kaga Qeyb Qaatey iyo Qofka Naftiisa u hurey ka Maalka kaga qeyb Qaatey Waa halka ay Taagnaayeen odoyaashii Geele Arab iyo Ibraahim dheere waana halka Maanta uu Taagan Yahey Ganacsade Axmed Cismaan Geele inta Maalkiisii lasoo dhaafey ayaa Naftiisii loo soo Gudbey, Waxaan odhan lahaa Shacbiga Reer Somaliland oo dhan ayay Waajib ku Tahey in Loo Dagaalamo oo la Difaaco Sababtoo ah Waxeynu Wada ogayn in ay Kaalin Mug iyo Miisaan leh ku lahaayeen Halgankii SNM oo ay Dhaqaalahooda u Hureen Ganacsatadii Axmed Cismaan Geele Aabihii Marxuum Geele Arab iyo.Marxuum Ibraahim Dheere Waa Mujaahidnimada ay Maanta ku Faanayaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo.Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Xataa ilaa ay Odoyaashaasi Wax kasoo dhiseen oo ay kusoo Tabceen Maalkoodiina u Hureen Somalilandtaa ay Maanta ka talinayaan ee ay Dawlladaha Aan Waxba inoo Tarin ee aan Halgankaa iyo Qaranimada Somaliland labadaba inagaga Soo horjeeday Waa Nasiib Darro Weyn Labaduba.



Dad Badan ayaa nala Yaabanaa Markaanu laheyn Baroortu Orgiga Ka Weyn Anagu Ma Qabaneyno, Waaran Majiro iyo hadalka.Maanta ee afhayeenka Madaxtooyadu ku leeyahey Somaliland Noqon Mayso Meel Lagu Soo Dhuunto, Waar illaahaybaan idinku dhaariyee inakoo Mareyna Qarnigii 21aad dabayaaqadiisii oo Miliiniyamkii Dhamaadey, oo 2019kii aynu Joogno Ninka Qoraal kasoo Saarey Ninka Digteyatar ka Cararaya la ogyahey Siduu u Galey Dadkiisii iyo Dalkiisii, ee Carjuuq Dhehdu ka joogtu ninka u Garaabaya Maxaynu ku Aaminaa Ma Maantaa Maalin aynu Muwaadin Somaliland iyo Halgankeediiba ku Suntan looga hiilinayaa Nin Ku amar Ku Taagleynaya Dalkaa Yar ee aynu Jaarka Nahey ee Dalkeenana Neceb Wax allaale iyo Wax lagu Aamini Karaa majirto Dal aynu Ku aamini Karnaana Majirto Waa Shaley iyo Maanta oo Laba af oo kala Duwan ah Nin Oday ah oo Soomaalidii hore ah oo Nin Arimeed iyo Waxyaqaan ah ayaa lagu Yidhi Hebalaw Waa laguu Tashadey oo intaas oo Nin ayaa kuu tashatey Markaasuu yidhi Miyyaan Illaahay Joogin halkaa la iigu Tashanayay Waxaan Leeyahay Geelaha Jabuuti Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahinkii Soo Sexeexay in La Qabto Ganacsade Axmed Geele Waxaan leeyahay illaahay ayaa idninku afar ahe, Bal.Tiisana Deymooda ta Alley Noqone Tiina Noqon Mayso balse, Waad ku Ceebaysan Tihiine Halganka aad Sheeganaysaan iyo Mujaahidnimada hadaanay Doorkii Dhaqaale ka Qaadan odoyaashaa aan Soo Xusey Ma idiin Suurtagali laheyd Waase Nasiib Daro Weyn.


Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...