Xukuumadda Somaliland Ee Cashuurta Qaaddaa Weli Afkeeda Kamay Soobixin Waxay Danyarta Ku Caawinaysaa Xanuunkan Awgeed.

0
Friday March 27, 2020 - 11:29:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Ee Cashuurta Qaaddaa Weli Afkeeda Kamay Soobixin Waxay Danyarta Ku Caawinaysaa Xanuunkan Awgeed.

    Dawladii dunidoo dhan waxay banka soo dhigeen siday uga hortegayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladii dunidoo dhan waxay banka soo dhigeen siday uga hortegayaan

cudurkan cid walba gurigoodii ugu galay hadday madaxweynayaal tahay iyo hadday boqoro tahay iyo hadday ciyaartoy tahay  waayo Allah uun baa wax ilaaliya. Dawladaa adduunku  Miisaaniyado cusub oo ay ka soo qaadeen cashuurtii dadka laga qaaday ayey si dhaqso ah u sameeyeen, qaanuunadii  jiray qaar badan bay wax ka bedel ku sameeyeen si loo caabiyo xannuunkan dhinac uu qofka  binu Adamka ah  kaga imanayo aan la garanayn laakiin la malamalaynayo in isu imaatinka dadka iyo iyo is taabashada iyo neefta isu dhaw ay ka mid tahay waxyaalaha lagu kala qaadayo laakiin  intaasoo qudha maaha waxaa jiri karta in hawada uu ku jiro oo ceeriyaamo aan muuqan oo kale u fidayo. 



Allah ha inaga hayo oo dadoo dhan ha ka badbaadiyo oo Muslim oo dhan ha ka badbaadiyo oo Somaali oo dhan ha ka badbaadiyo oo SOMALILAND oo dhan ha ka badbaadiyo.  Madaxweynaha  Muse waxaa la gudboon inuu cashuurta uu dadka ka ururiyey inuu  raashin iyo biyo soo siiyo toban million oo dollar oo dan yarta u qaybiyo reer walba bill raashin guriga loo dhigo haddii kale boob baa ayaan dhaw ka DHACAYA wadanka oo askarta caruurtoodaa ugu  daran. Arintaa  ha dhayal sanina hadduu  cudurku sii socdo wax walba way istaagayaan. Dawladii kale  dadkii bay ha isu imanina yidhaahdeen Muse  Biixina xafadii buu Guuto boolis ah ku  soo saaray oo dadkii isusoo baxaay iyo guryo dumin iyo dhul la isku haysto buu bilaabay kamanuu hadlin isagaana lagu mudaharaadayey . Madaxweyne yaashii adduunkoo dhami TVyada qaranka ayey soo fadhiisteen halkii weriyaashu ka soo warami jireen(studio) isna  meel uu joogo  lama yaqaan .


Anigu bartaa Buurta kala jeexan baan ku dhashay waa  bartaan Coronavirus la dagaalankiisa ka bilaabi lahaa laakiin AFKALAQAAD BAY IGU NOQOTAY IYADOO DUMARKII IYO  CARUURTII ISUSOO BAXEEN IYAGOO MUSE HA DHACO AY KU QAYLINAYAAN DADKA QAYLINAYA WAXAA KA MID AHAYD GABADH YAR OO CARUURA OO SEDDEX JIR AH OO KURDAD CAD XODHNAYD OO QAYLINAYSAY MARKAAN ARKAY NAXDINTII XINIINYAHAA I DHEERAADAY. WAAR ILAYN DAC-LAMAYIDHAA OO CALOOSHU KAAMA SOO DHACDO. WAAR YAA MUSLIM OO FARA DHUUDHUUBAN OO MUSE BIIXI ARINKA KASOO FUJIYA.

 

Waar  dawladdu waa inay miisaaniyad  weyn ku dhawaaqdo oo raashin ah oo  CASH wasiir soo mara aan ahayn;wadadaa wasiirada iyo  agaasimayaasha  Somalida way anfici weysay ee wado kale  oo ummadda anfacda ha la ictiraaCo. MUSE BIIXINA I IINYO HAKA WEYNAADO AAKHIRO AYEY ARINTAASI ULA DAADEGTAYE.

 

 

M BASHE 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...