Damiinka Far Waaweyn Baa Wax Loogu Qoraa ( Abdi-shotaly).

0
Friday April 05, 2019 - 16:49:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Damiinka Far Waaweyn Baa Wax Loogu Qoraa ( Abdi-shotaly).

    Aad baan hambaliyo iyo bogaadin ugu dirayaa, ummadda reer Somaliland meel ay joogto-ba, ee ka gadooday xaq darradda ay ku samaynayaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aad baan hambaliyo iyo bogaadin ugu dirayaa, ummadda reer Somaliland meel ay joogto-ba, ee ka gadooday xaq darradda ay ku samaynayaan,

labadda maamul xaafadeed ee uu mid yahay maamulka Mamaasan-ka, cid kula weheli-saana aanay jirin, malaha dal baad u haystaane, kaas oo lagu sheego Jabuuti iyo Maamul Goboleedka beelaysan ee maqaar saarka ah, oo isna ka jira Hargaysa oo qudha, laakiin aan meel uu cidhib ku leeyahay, oo kale aan la arag. Waxa intaa ii raaca oo kale ama aan doonayaa, in aan Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, Ku bogaadiyo, diidmadda qayaxan ee uu ku gacan-saydhay askariga " Raggii ma adigaa ka hadha" iyo Geenyo Shaaximan. Waxa la yidhi oo ay somalidu ku maah-maah-daa " Salaad-ba wakhti-geedda baa la tuka-daaye", Markii ay haboonayd, in uu wax kaa waydiiyo sidda laguu boobay, ee hanti-daaddii loola wareegay, waxa keenay ama kelifay, waa kii siddii orgac ri' xayli-naaya faruur-yaha iyo fuqa sare u taagay, makii uu arkay, haduu ku kaco cayn-kaas in aanu guriga Moorgan ku sii jirin karayn saacad, ee ay nafta u yaabeen labadda askari, bay hadeer nac-nac, been iyo kiis iska waal la yimaadeen, waaran umaanu soo jarin, iyo aynu wadda hadalo. Halkii xoolaha Mamaasani boobtay, looga dacwoon lahaa muwaadiniinta, baaba loo soo qab-qabanayaa, sababta oo ah qoyska baa dabadda ka wadda, waana kii inoogu xumaa ay-ga Ina Cumar geelle.



Akhristaw ruuxa damiinka ah, ee wax ma garatadda ah, wuxuu xeerina-yaana aanay jirin, iska batalaaq-sanaaya, siddii caruur gelgelin biyo ah ku dhex ciyaaraysa, waa sidda askartan meesha ka dharaqaa-maaya'e " Far waaweyn baa wax loogu qoraa" markaas bay indhaha kala qaadaan, oo miyirku ku soo degaaye. Murti hore baa wxay ina faraysaa " Tab hayaw lagaa tab hayee" oo micnaheedu yahay, waxad doonayso ama aad la wareegayso, cid aad ula imaan kartaa ma jirto, ee waa lagaa sii horeeyaa, shaxdda aad dhigto, mid ka sii daran baa laguu dhgigayaa. Hadaba aan is waydiino'e, Askarigu waa kii si waal-waalaayee, maaxa ku soo celiyey, in baryoo-tamo? oo yidhaaho Axmed Cismaan Geelle aynu wadda hadalo?


Aan kuu soo koobo'e, waxa weeye Kacdoon Shacab oo cirka isku shareeray ( Up raising of people's Power). baa af- buuxa ku yidhi "Wadaadku faan weynaa"! Ma isagaa Ina Geelle Arab u xidhi kara, Ina Geelle Basalka Mamaasan iyo qoys-kiisa?. Ku dhac weynaa, marka Hargaysa nin Muwaadin ah, oo weliba la dhacay, cadaw loo sii dhiibaayo.


NInkii dhici jirey dhib kuma aha, ee dhawaan soo baxaw ha dheeliman, qosol ku jab, waa la is kala tegay iyo maaweelloo, rag waxoodda ilaasha-naaya baa diyaar ah, ee si xun haw dhimanina, Wuxu yidhi (IHUN) Faarax Nuur " Anigoo Garmaamaha Dagaal, Gocomo Aar Yeeshay, Oo Gaydhamaa-yaanad Arag, Goob Awaare Ahe, Gef Kumaad Kacdeen, Ee Waa Garasho Ruux Liita". waa sidaase, waxan ku soo cuna duubayaa maqaalkan. Horaa Somalidu uga hadashay wiil kibray, oo wax is mooday sidda kan, beri baan xuduudda ka talaabay ku ceebeeyey magaca Mujaahidka, waxana ay tidhi " Wallee wiil Is waalaba, waabiyaa hella" oo labadda indhood ku dhufta, waa sidda maanta ka taagan Hargaysa'e, oo indhaha ay ummadu u candhuu-faysay askartii, iyaba waw nacasnimo'e, weliba uu kii ay xididka ahaayeen, ee Ina Geelle Basal ka sugaayo war. Saaka kii uu Hargaysa u soo diri lahaa, ee uu ku magacaabo, kuna sheego Wasiirka arimaha debedda ee mamaasan, wuxu ku amray ha tegin xaalku wuu qasan yahaye. waxan ku soo xidhay ugu dambayn, Askartu caano bay ku dabaal barataye, ina rag ismay arag, imika baa ugu horeysa, wax ka hor yimaadda, waana kuwaa 100 talaabo durba dib u qaaday, markii lala cado-cadaystay9 Intaas bay ku sugan yihiine, ee ku dhici kari la' in laba gallo "Xaafadda Axmed Dhagax". kullulaatay aw diiriyaw kaba la'aantiiye, xaalku waa Allaw rey iyo allaw roonaa, ee ka kufa baa la arki doonaa dhawaan,


* N.B Ninkii Dhici Jirery Dhib Kuma Aha, Ee Dhawaan Soo Baxaw Ha Dheeliman!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...