Xiisad Dhinaca Macdanta Ah Oo Ka Oogan Buuraha Way-Way Ee Degmada Garba-dadar

0
Thursday March 26, 2020 - 19:43:58 in News by
  • Visits: 2554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Dhinaca Macdanta Ah Oo Ka Oogan Buuraha Way-Way Ee Degmada Garba-dadar

    Xiisad Dhinaca Macdanta Ah Oo Ka Oogan Buuraha Way-Way Ee Degmada Garba-dadar Ee Gobolka Salal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad Dhinaca Macdanta Ah Oo Ka Oogan Buuraha Way-Way Ee Degmada Garba-dadar Ee Gobolka Salal.

Xiisad salka ku haysa dhinaca macdanta ayaa maanta ka aloosantay Degaano ka tirsan degmada Garba-dadar ee gobolka Salal, gaar ahaan buuraha macdanta qaniga ku ah ee Way-Way iyo gudaha magaalada Garbo-dadar.

Xiisadan ayaa cirka isku shareertay markii ay maanta Buuraha Way-Way gaadheen rag arimo macdaneed u socday oo watay ciidan iyo baabuur laga leeyahay Wasaarada Macdanta ee Somaliland, kuwaas oo ay isku dhaceen dadka degaanka ee ku sugnaa buurtahaas. Sida uu shabakada Hadhwanaag u xaqiijiyay Oday Ciise Cilmi Yoonis oo ka mid ah duqayda degaanka.


"Waxa Buurta Way-Way noogu yimid rag aan garan waynay wax ay u socdaan oo arimo macdaneed damcay inay nagala hadlaan, ma ahayn madax aanu safarkooda sii ogayn, ama soo amaray maamulka degamda Garbadarar iyo gobolka oo ay la socdeen, waxayna madaxdii aan naqaanay, waxa ay nagu amreen in hawlaha macdanta kuseeya gabi’aanba la joojiyo”

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu intan raaciyay "Waxa ay isku dayeen inay nagu fuliyaan amar aanay ruqsad u sidan, mana jirin wax cad oo ay natuseen, taasina waxay keentay inay dadkii degaanku ay ka biyadiidaan, kadibna ay ka horjoogsadaan inay degaankaas wax hawl iyo hadalba ah ka fuliyaan, wixii intaas ka dambeeyayna iyaga oo firxad ah ciidan ka badan kii ay wateena dalbanayay ayay dhinaca Garba-dadar nooga noqdeen”

"Anaga Waxay noola muuqdeen rag shaadh-dawladeed damacsan inay ku adeegtaan oo macdan boob u socday, una adeegayay rag gaar ah oo dano ay amniga ku waxyeeleeyaan watay aanan u badinayno inay ku abtirsadaan Xerta Ina-raage” ayuu ku yidhi shabakada Oday Ciise.

Ma jiraan wax war ah oo faahfaahsan oo dhinaca Garba-dadar ay shabakadu ka heshay, marka laga reebo goob-joogayaal sheegay in Garba-dadar ay soo gaadheen ciidan gurmad ah, kuwaas oo markii dambe magaalada ku hakaday, lana kulmay waxgaradka degaankaas iyo masuuliyiinta, ugu dambayntiina dib isaga laabtay kadib markii ay u sheegeen waxgaradka in warbixin qaldan ay heleen, buurta Way-Way-na ay ku hagtay, raali-galina ay ka bixinayaan sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kale Shabalada Hadhwanaagnews oo isku dayday inay la xidhiidho masuuliyiinta Wasaarada Macdanta ee gobolada Awdal iyo Salal ayaanay u suura galin inay arimahan wax ka waydiiso.

Si kastaba ha ahaatee, waxa xusid mudan in Xiisadan deegaanada Buuraha Way-Way iyo Garbaradar ee ay maanta ka dhacday ay sababtay in dad door ah ay isku soo baxaan, waqti ay xukuumadu ku baaqday in dhaq-dhaqaada la yareeyo dadkuna ay guryahooda joogaan, si looga hortago faafitaanka xanuunka covid-19, dhacdadana ay saamayn ku yeelanayso ka hortaga coronavirus iyo faya-dhawrka guud ee bulshada.
Loading...
Loading...