Ganacsade Udhashay Shiinaha Oo Soomaliya Ku Caawiyay Qalabka Lagu Baadho Coronavirus.

0
Thursday March 26, 2020 - 17:35:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Udhashay Shiinaha Oo Soomaliya Ku Caawiyay Qalabka Lagu Baadho Coronavirus.

    Taajirkan ayaa sidoo kale wadamada Afrika ubalan qaaday inuu ku caawin doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taajirkan ayaa sidoo kale wadamada Afrika ubalan qaaday inuu ku caawin doono

Muqdisho (HWN) Xukuumada Somaliya ayaa ganacsade Shiina udhashay ee ah aasaasaha Shirkada Ali Baba  uu ku caawiyay qalab lagu baadho xanuunka faraha baas ku haya caalamka ee Coronaviruska.



Agabkaasi ayaa isugu jira qalabka lagu baadho xanuunka Covid19 iyo Dharka ay xidhaan dhakhaatriirta ka hawl-galla bukaanadda xanuunkaasi asiibo.


Ganacsadahan oo ah milya neer ayaa caawimaadan uu ugu deeqay dawlada Somaliya ku soo raray diyaarad ay leedahay dawlada Itooiya, taasoo ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.


Xukuumada Somaliya ayaa dhankeeda Soo dhawaysay caawimaadan ay ka heshay ganacsadaha shiinaha udhashay, taasi oo ay sheegtay in deeqdani ay baahiwayn uqabtay dawlada Somaliya inay hesho.


Somaliya ayaa qaaday talaabooyin ay kula dagaalamayso xanuunka Coronaviruska, kuwaasi oo ay kamid yihiin inay joojisay jaadkii dalkeeda soo geli jiray iyo waliba duulimaadyadii diyaaradaha.


Taajirkan ayaa sidoo kale wadamada Afrika ubalan qaaday inuu ku caawin doono qalabka lagu baadho xanuunka Coronaviruska.

 

Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...