Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran Oo Soo Xidhay Nidaamka Casriga Ah Ee (Biometric)

0
Thursday March 26, 2020 - 17:10:49 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran Oo Soo Xidhay Nidaamka Casriga Ah Ee (Biometric)

    Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran Oo Soo Xidhay Nidaamka Casriga Ah Ee (Biometric)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran Oo Soo Xidhay Nidaamka Casriga Ah Ee (Biometric)

Hargeisa(HWN):-Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa maanta soo xidhay Nidaamka Diiwaan gelinta Casriga ah ee (Biometric) oo lagu diiwaan gelinayey Dufcada labaad ee Shaqo Qaran, Barnaamijkan oo muddo ku dhaw laba Todobaad ka socday Xarunta Carbiska Shaqo Qaran ee Dararaweyne, waxaana iska kaashaday Barnaamijkaasi Xafiiska Shaqo Qaran, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo shirkada SAHAL TECH.
Image result for Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Cismaan Xuseen


Gebo gebadii Maxamed Xuseen Cismaan Agaasimaha guud ee Shaqo Qaran oo kalkaasi ka hadlay ayaa yihdi "Farxad weyn bay noo tahay inaan maanta soo gunaanadno ama soo geba-gebayno Nidaamkii Diiwaan gelinta casriga ah (Biometric ) ee ay iska kaashadeen Xafiiska diiwaan gelinta madaniga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Shirkada madaxa banana ee Sahal Tech iyo Xafiiska Shaqo Qaran, hawshaas oo soo socotay muddo Todobaad ah oo lagu xaqiijinaayey nidaamka dhalinyaradii aanu kusoo xaraynay Xarunta Dararaweyne”.

Mu’adinka ayaa sheegay in Barnaamijkani yahay mid caddaalad ah "Sideedaba Barnaamijka Shaqo qaran wuxuu ku dhisan yahay inuu sugo Caddaalada iyo sinaanta muwaadiniinta, taas baana keliftay oo ujeedadayadu ahayd inaanu hubino in dadka magacyadaa sitaa ee kusoo xarooday halkan inay yihiin kuwii dhabta ah ee biixinayey shuruudihii looga baahna”.

Dhanka kale Waxa uu sheegay Agaasimaha guud inay hawsha diiwaan gelinta dhawaan ka bilaabi doonaan Xarumaha Gobolada ee ay ku sugan yihiin Habalaha kusoo baxay Imtixaankii Shaqo Qaran "Hablaha jooga Gobolada ee Barnaamijka Shaqo Qaran Imtixaanka kusoo baxay iyagana dariiqaa dariiq la midaa la marin doonaa, waxaa la hubin doonaa qofkastaaba inuu shuruudaha buuxinayo ama aqoontiisa Jaamacadeed ha ahaato ama ha ahaato qofka magacan wataa inuu yahay kii runta ahaa ee magacan lahaa, waa la xaqiijin doonaa waxaana loogu tegi doonaa Xarumaha Gobolada ay joogaan, iyaguna taa haku sii talo galaan qofkii aan ka mid ahayn ama magac kale wataa imikaba yaanu isdaalinin haka sii baxo oo yaanu dhibin hawladeenada”.

Madaxa Isgaadhsiinta ee Shaqo Qaran Saddam Maxamed

Loading...
Loading...