Somaliland Caafimaadka Dadkeeda Ma Waxay Dhaafsatay Cashuurta Ay Ka Helayso Qaadka?
Hargaysa (HWN) Xukumada Somaliland ayaan ila hada samaynin talaabo cad oo ay ku karantimaynayso isu socodka iyo qaadka ka imanaya Itoobiya halka taa bedelkeeda ay ilo xog ogaal ahi sheegayaan inay korodhay cashuurti ka so geli jirtay xukuumada qaadka.
Waxaanay korodhka cashuurtaasi noqotay mid laba jibaarantay madaama ay kastamada Somaliland soo marayaan qaad la geynaayo Somalia oo dawlada ka talisaa ku guulaysatay inay gabi ahaanba joojiso qaadkii imanjiray dhulkeeda.
Wasaarada Maaliyada waxay aad ugu faraxsantahy dakhligaa kordhay loomana daneynaayo dhibka bulshadeena ka so gaadhaya cudurka Corona virus oo Itoobiya iyo caalamkaba faro baas ku haya.
Nasiib darada ugu weyni waa xukumada Kornayl Muuse oo aan daneynayn shicibkeeda iyo casfimaadka bulshadeedaba.
Marka horeba hadaan
loo sii diyaarin dadka meelo lagu hayo/karintiimeeyo 14ka cisho, go'aanka
Guddidu gaadhay muxuu ahaa?
Waxay u muuqata in aynaan u diyaarsanayn in aynu karantiimayno rakaabka diyaaraduhu keenaan'e (Tusaale yar: 50 qof baynu ka bixi la'nahaye bal ka waran iyada oo maalin kasta keenta 50 rakaab ah! 10kii cisho waa 500 qof ee xagee la gayn ee u diyaarsan) Mala Waxa Ka Fudud Inaga Oo Diyaaradaha Gabigoodaba Iska Joojina! Sida uu ku taliyay gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe.
Hadaynu eegno lacagaha kala duwan ee uu aduunku ugu talo galay iyo Somaliland halkay ka taagan tahay.
UK: $336 Bilion
USA: $2 Trilion
CANADA: $82 Bilion
SOMALIA: $5 Milion
Nasiibdarada jirtaa waa inaanay ilaa imika xukuumada Muuse Biixi ayna soo bandhigin miisaaniyad ay ugu tala gashay inay kula dagaalanto cudurka caalamka faraha baas ku haya.
Sidoo kale xukuumada may shaacin meelo gaar ah oo dadka looga shakiyo xanuunkan lagu hayo, balse waxay khasab kaga dhigaysaa mulkiilayaasha Hudheelada Hargaysa inay dadka hayaan mudada looga tala galay oo shaccabku buuxiyaan doorkii dawladu lahayd.
Hadhwanaagnews.
Hargeisa Office.