"Faysalow Haddaad Qabyaalad Ka Bixi-wayday Waxaan Ku Leeyahay....." Xildhibaan Cali Barre

0
Thursday March 26, 2020 - 16:22:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Faysalow Haddaad Qabyaalad Ka Bixi-wayday Waxaan Ku Leeyahay....." Xildhibaan Cali Barre

    "Faysalow Haddaad Qabyaalad Ka Bixi-wayday Waxaan Ku Leeyahay Bogcaddaada Ku Ekoow" Xildhibaan Cali Barre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Faysalow Haddaad Qabyaalad Ka Bixi-wayday Waxaan Ku Leeyahay Bogcaddaada Ku Ekoow" Xildhibaan Cali Barre

Hargaysa(HWN):-Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali Barre), oo ka mid ah Mudaneyaasha golaha Wakiillada ayaa waxa uu sheegay in Guddoomiyaha XIsbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu sida dabaysha xagaaga kolba meel isku qaaddo, isagoo ku eeddeeyay innuu aflagaaddeeyo qaar ka mid ah Qabaa'ilka Somaliland.


Xildhibaan Cali Barre oo Shirjaraa'id ku qabtay Caasimadda Hargeisa, waxa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe u soo jeeddiyay innuu reerkiisa ku ekaaddo oo aannu beelaha kale soo faro-gelin, kol hadduu qabyaalad ka bixi waayay, waxaannu yidhi
Image result for Xildhibaan Cali Barre

"Anigu odhan maayo Faysal Cali Waraabe iyo Xisbigiisu wax-ba maaha, laakiin waa Xisbi qaran. Faysal Cali Waraabenna waa guddoomiyihii Xisbigaas, wax-ba ma tihid odhan maayo, waxaase beryahan laga soo taagay oo Warbaahinta ku jirta oo siddii dabaysha xagaaga uu dhinac walba u riddaaya oo Aflagaaddoonnaaya iyo Cay aannu u miiddaan dayayn, haddii ay tahay Dawlad, haddii ay tahay Shaqsiyaad iyo haddii ay tahay Qabaa'il Somaliland ka tirsan oo aad mararka qaarkood u muuqda innuu ummadda Somaliland kala eryaayo.

Waxa ugu danbaysay 24-kii bishan aynu ku jirno waxa uu yidhi Faysal Cali Waraabe "Warsangeliyoow Cabdalle Xaamud baad gobolka isku haysaanne kaallaya" hadalkaasi waa aflagaaddo, waa danbi qaran. Goleyaasha Baarlamaankanna waxa uu ku tilmaamay kuwo aan Sharci ku fadhiyin, taasinna waa Distoor jebin, waanna danbi qaran, markaa qoddobaddaas ayaan wax yar mid mid uga hadlayaa.

Marka ugu horraysa Faysalow haddaan Goleyaashu sharci ahayn maxaad ku keentay Xubintii aad soo xushay ee guddiga doorashooyinka inaad tidhaahdo ii ansxiya, ma cid aan Sharci ahayn ayaa wax Ansixisa, labaddaasi isma qabtaan. Qofka Masuulka ahi hadduu wax Distoorka ka soo horjeedda ku hadlo waa danbi."

Isagoo hadalkiisa sii watanna waxa uu yidhi "Warsangeli iyo Dhulbahante waa reer Somaliland, waa dhul Somalilland ka mida, Somaliland-na waa la wada leeyahay, adiganna wax-ba lagaa waydiin maayo, reerkastaanna bogcad ayuu Somaliland ka deggen yahay, markaa Faysalow haddaad qabyaalad ka bixi wayday waxaan ku leeyahay Bogcaddaada ku ekow, Warsangeli bogcaddiisii ayuu deggen yahay waanna Somaliland, Dhulbahante bogcaddiisii ayuu deggen yahay waanna Somaliland" Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Barre

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...