Masuul Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo La Karantimeeyey.

0
Thursday March 26, 2020 - 14:00:12 in News by
  • Visits: 3696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo La Karantimeeyey.

    Masuul Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo La Karantimeeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo La Karantimeeyey.


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa karantiimaysay dad gaadhaya50 qof oo la socday duulimaadkii ugu dambeeyey ee diyaarada Itoobiyaan Airline ee soo gaadhay garoonka Hargeysa.

Image result for barkhad batuun


Dadkan oo xukuumadu sheegtay in la karantimaynayo mudo 14 cisho ah ayaa waxa ka mid ah afhayeenka xisbiga mucaaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun.


Afhayeen Barkhad oo karantiimo ku jira ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay xaalada uu galay iyo habka loola macaamilay, isaga oo fariina u diray guud ahaanba shacabka somaliland.


Fariinta afhayeen Barkhad ayaa u dhignayd sidan:-


"Dunidu xaalad adag ayey ku jirta aad ayey u xidhmeen isku socodki duulimaadyada dalalka caalamka oo dhami, Saaka in ku dhow 160 flight ayaa la masaxay goroonki aanu ka soo duuleynay caafimaadka dalkaas darti! Galabta ayaan ka soo degnay Madaarka Cigaal ee magaaladda Anagoo aheyn rakaab 50 qof ah lana socday Diyaaradda Ethiopian Airline.


Waxaa dhammaantayo rakaabkii oo dhan wasaaradda caafimaadku ku karantimeysay Hotel Hargaysa ku yaal. Waajib ayey nagu tahay inaan qeyb ka ahaano Sugidda Caafimaadka bulshada Somaliland, Tusaalena ugu noqono umadda faya dhowrkooda caafimaad iyo fulinta go'aanka xakamaynta aafada Covid 19.


Waxaan u mahadcelinaya Maamulka Madaarka Hargeysa, Wasiirka Caafimaadka, ku-xigeenka caafimaadka, hawl-wadeenada wasaaradda caafimaadka, Booliska Somaliland oo runti si weyn noogu shaqeeyey muddadi aan hotelka iyo madaarkaba joognay.


waxaan ku dhiirinayaa qof kasta oo muwaadin ah inu heegan u galo caafimaadka umaddeena dunidi sidi horre maaha dhammaantayo waanu wada bad qabna Alle ayaa Mahad leh.

Loading...
Loading...