' Maxamed Baashe , Walee Nin Aan Sirtii Garanayoow Kuuma Sacabeeyo '.
Beryihii doorashadii Madaxwaynaha loo diyaar garoobayay ayay ahayde , markii maxamed nagga tagey ayaanu is tusnay in maxamed yahay nin Xisbiga Waddani oo aanu la safnayn wax ku biirin kara , sidaa darteed waxaanu wada tashi ka dib isla garanay Xamse khayre oo ahaa madaxii kaanbaynka xisbiga in maxamed baashe uu ku darsado qorshihiisa saraakiiisha kaanbaynka xisbiga kala shaqaynaysa.
Maalmo ka dib , Xamse wuxuu noo sheegay in ay Maxamed Baashe is fahmeen , islana garteen in uu xisbiga kala shaqeeyo dhinaca warbaahinta isago aan si toosa uga muuqanaynin shaashadaha , diyaarna uu u yahay in uu aqoontiisa xisbiga ku biiriyo .
Maalmo yar ka dib , mise waaba maxamed Baashe oo ka tirsan kooxdii uu madaxda u ahaa Dr Axmed I samatar ee qoraysay barnaamijkii xisbiga kulmiye , waar ilayn oo ilayn , waar miyaanu maxamedkii xanaaqsanaa ahayn , waar miyaanu maxamedkii inala balansanaa ahayn , cajab .
Ololihii doorashadu haduu bilaabmay , waaba maxamed oo xayaysiinaya musharaxa xisbiga kulmiye oo leh '' Waa mujaahid , wadankuu usoo halgamay , wadankuu aaminay , caruurtiisa muu dhoofinin iwm .
Mar kale , waa maxamed Baashe oo difaacaya shirarkii aasaaska jeegaanta iyo mudaakiradii samsam oo ina leh Gaashaanbuurtu aduunyada way ka dhacdaan , calashaan anagaa Waarso iyo Naato soo aragnaye .
Si kastaba ha ahaatee , markii doorashadii dhamaatay , ee kulmiye wuxuu malmaluuqayay soo malmaluuqay ee uu wareegtooyinkii iska dhex waayay , hadana waa maxamed oo midnimo iyo waxaan loo jeedin ku adimaya , waar maxamedku imika fara badanaa .
Intaa kuma joogine , hadana waa kan mujaahidkii uu shalay mujaahidnimadiisa inaga iibinayey ee uu mujaahdinimada ugu ololaynayay hadana maagaya ee eryanaya ilayn odayga meel yarna laguma qorine , walee nin aan sirtii garanayoow kuuma sacabeeyo .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!