Sheekadii Qabaalka Q2aad: W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)
Dad allow Nin iyo qabaal miyaa layskugu aaraa,
mase suurawdaa mise inaguunbay inaga suurawday
oo Somali ka dhex dhacday, hada wax is agyaal maxamed oo meyd ah iyo qabaalkii
oo jaban, labada beelood ee ay ka kala dhasheen cumar iyo maxamed waa wada
yaaleen markii ay maqleen wixii dhacay waa kala guureen oo sansaan colaadeed
ayaa geyigii laga dareemay, beeshii maxamed waxay uguureen bari waxaanay maalintaa
gudoonsadeen dagaal ay ku qaadaan beeshii cumar aadan.
Waxlawada beeshii cumar waxay gudoonsadeen inay colaadaas damiyaan oo ay bixiyaan magtii maxamed cabdalle liibaan, markiiba waxa ayaamo lagusoo ururiyey magtii waxaana loo yeedhay aadan galaydh oo ahaa aabaha dhalay cumarka waxdilay markii geelii lasoo tubay ayaa aadan lagu yidhi aadanoow geelii magtu waa kaa ee waxaa ka dhiman tuludii (hashii) aad adigu ku dari lahayd, arintaas oo uu diiday aadan galaydh oo aan hore usoo sheegnay inu ahaa nin kibir taabtay cabsina aan eebe weyne mooyee cidkale ka qabin, waxbadan ayaa laysku dayey in loo caqli celiyo balse diid inu bixiyo hashii kaga soo aaday magtii ninkii inankiisu dilay.
Cumar oo ahaa ninkii waxdilay ayaa ku yidhi aabihii aadan galaydh aabo hasha sadex shay ku bixi: