Cudurka Coronavirus Oo Saamayn Ku Yeeshay Gudida Nabadgelyada Hargaysa

0
Thursday March 26, 2020 - 08:03:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Coronavirus Oo Saamayn Ku Yeeshay Gudida Nabadgelyada Hargaysa

    Waxaa caasimadda ku nool kala badh bulshaweynta Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caasimadda ku nool kala badh bulshaweynta Somaliland,

Hargeysa (HWN) Duqa Caasimadda Hargeysa ,mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa sheegay inay fulinayaan qorsheyaashii ay soo saareen guddida heer Qaran ee ka hortaga Cabuqa Carona.

 

Dhanka kale Duqa caasimadu waxaa uu caddeeyay in ay degmo degmo u fulin doonaan hawlaha lagaga hortago xannuunka Caroona.

 

Sidoo kale duqa caasimada Hargeysa waxaa uu ku dhawaaqay in la joojiyey isu imaatinkii gudiyada nabadgeliyada caasimadda, isaga oo xusay in ay sameynayaan tii gobolka ah mid kooban oo uu hogaamin doono badhasaabka gobolka Maroodijeex, labada taliye qaybeed iyo mayirka, si ay degmooyinka shaqeynaya ugu gudbiyaan awaamirta iyo hawlaha socda.

 

Waxaa kale oo uu maayirku soo jeediyey in la xidho guud ahaan wixii meheradda shaaho laga cabo ah.

 

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco isaga oo arrimahaasi si qoto dheer u sharaxaya waxaa uu yidhi "Waxaan bulshada caasimadda u sheegaya in aanu fulin doono qodobadii mihiimka ahaa ee ay guddida heer Qaran ee ka hortaga xannuunka Corona-vires ay soo saareen, dalka aynu jaarka nahay oo dhan waa laga helay, ILLAAHEY inaga oo badbaadada ka dalbeyna hadana waxaa aynu u baahanahay inaynu umadd ahaan ka diyaar garowno.

 

Waxaa caasimadda ku nool kala badh bulshaweynta Somaliland, waxaa ay tahay in ka hortag la sameeyo, ka hortagaasi hadii iclaanka leysku maqli waayana waxaa ay noqoneysa in qofka ixtiraamkii uu lahaa laga kaxeeyo, dhab ahaantii qodobadii ay soo jeediyeen waxaa loo fulin doona degmo degmo, degma walbana taliyaheeda saldhiga, gudmoomiyaha degmadda, gudoomiyaha nabadgeliyadda, intaasi waxaa ay sameyn doonaan iyaga oo adeegsanaya ciidanka booliska iyo dhammaanba shaqaalaha dawlada hoose iyo guddiyadda nabadgeliyaddaba in go’aamadii ay soo jeediyeen guddida Qaran, ee ahaa in aan leysugu iman Marfishyadda Qaadka kolayadda qaadka, makhaayadaha, la wada fadhiisto , hadaba cidii lagu arko xata guri iyadda oo fadhida in guddiyada nabadgeliyada iyo ciidamadda boolisku ay soo xidhaan, koleygana la ganaaxo qofka lehna la xidho, makhaayad shaah oo dhana sida guddidu soo jeedisay in la xidho weeye.

 

Waxaanu joojinay isu imaatinkii guddida nabadgeliyada caasimada laakiin waxaa aanu sameynayna tii gobolka, oo badhasaabka gobolka Maroodijeex hogaaminayo labada taliye qaybeed iyo maayirka, taasi oo noqon doonta guddi kooban oo degmooyinka ka shaqeynaya ugudbisa awaamirta iyo hawlaha socda ”


Loading...
Loading...