Somaliland Oo Shaacisay Qaab Looga Faa,iidaysanayo Geedka Garanwaaga

0
Wednesday March 25, 2020 - 15:22:39 in News by
  • Visits: 3194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Shaacisay Qaab Looga Faa,iidaysanayo Geedka Garanwaaga

    Somaliland Oo Shaacisay Qaab Looga Faa,iidaysanayo Geedka Garanwaaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Shaacisay Qaab Looga Faa,iidaysanayo Geedka Garanwaaga


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay Dhuxul ka samaynaysaa geedka loo yaqaano Garan-waaga.




Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil (Baandare) oo uu weheliyo wasiirka Gaadiidka ayaa booqday warshadq geedka Garan-waaga ka samaynaysa dhuxusha.


Wershaddaas oo ay hindiseen muwaadiniin reer Somaliland ah waxa ay sheegeen in kaalin wayn ay ka qaadan karto sidii looga baaqsan lahaa xaalufka dhirta Dhuxusha laga shido iyo deegaanka. Iyadoo shacabka ku nool caasimadda Hargeysa ay soo dhaweeyeen wershaddan.




Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga iyo wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa soo dhaweeyay fikradda cusub ee la yimaadeen muwaadiniita aasaastay iyagoo tilmaamay inay wershadu gurmad u noqonaysa deegaanka iyo sidii loo yarayn lahaa xaalufta dhirta qoyan.




Loading...
Loading...