Alla-Hayaw Na Nabad Geli ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday March 25, 2020 - 13:30:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alla-Hayaw Na Nabad Geli ( Abdi-Shotaly).

    Dahmaan shacabka Reer Somaliland ha ka ducaysteen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dahmaan shacabka Reer Somaliland ha ka ducaysteen,
in aan Eebbe isugu keen darin "Cudurka wareegaaya, Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan" labadan askari baa ka xun xanuunka laf-tiisa'e. Ummad yahay balaayoo dhan ka "Bismilaahii-Raxmaani-Raxiim" Alla-hayaw na nabad geli, nafta iyo naruuradda, nimca-daadda nagu dhawr " Adaa caadil ahe". Waxa shalay Hargeysa laga soo sheegay illaah ha inaga hayee, oo hay naga joojiyee. Waayo awood iyo taag mid-na uma hayno'e, in cudurkii dilaaga ah ee la yidhaaho " Coronavirus" Ay dad qabaa ka soo degeen garoonka diyaaradaha, kuwaas oo ay siday diyaaradda "Ethiopian Airline"Sidda la leeyahay, kuma cadda ee waa laga shakiyey, waana og-tihiin in aanay jirin shaqaale u carbisani, laakiin jeegaan ahaan loo qorey, ha-yeeshee aan wax farsamo caafimaad ah aqoon u lahayni, daawo ay wax ka garana-yaana aanay jirin ( in kastoo aanu dawo weli lahayn la garanaayo) hadana meesha maamul ma jiro maxada cunta amooyee, loogu-mana tallo gelin in ay wax ka qabtaan iyo il naxariis ah oo ay ku eegayaan kuu meesha la dhigay garoonku, haba ka sugin kuwa hungri-goodda u boobay foodkii ummaddu, xanaano kale oo ay ku siiyaan iyo damqasho in ay kugus ii wiirsadaan mooyaane.



Waxan odhan lahaa dadka debedaha ka tegaaya ( meel kaste oo aduunka ka mid ah), in aanay tegin Maamul Goboleedka Somaliland, oo aanay xanuun kale ugu sii darin,  awel-ba iyaka oo ay silci-yeen qaar kun jeer ka sii xun xaniinkan socdda ee " Cov-19" ama Coronavirus-ka la yidhaaho. kaas oo aduunka si waalan ugu faafaaya, inaka markii hore-ba waxa qabay oo aanu soo dhaafi jirin " Raggii ma adigaa ka hadhaye iyo Geenyo Shaaximan oo uu qaadi-siiyeye" Waxan odhan lahaa ha laga " Alle Baryo", oo Culimadu haka akhriyeen Masaajidadda 30-ka jis ee quraanka, shicib-kuna ha fadhiyeen inta badan gurya-hoodda, in kaste oo ay duruufo jiraan, keli-faaya in ay doontaan wax ay dhuunta maroiyeen, oo aanay wax-baba oolin meesha, kana war haysaan, in ay mar-kooddii hore, macaluul daraadeed suunka dhexdda iskaga kala gooyeen, oo wixii yaraa ee dalka yaalay, ay jeebka ku gurteen kuwa caloosha u xooq-sadaa sidda "Dhalaaye Solteko" Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo shaaximan, Af-dulaaq, Maxauud xaashi benaale, Gaafaadhi, Saciid Sulub, Baqdaadi iyo qaar kaloo badan.


 Waxa ka sii daran kuwa meesha joogaa, waaba ay u sii qoslayaan in uu sii kordho xanuunku, waayo dan baa ugu jirta iyaka, oo xoolo dheeraad ah bay ku sii xada-yaan, ay leeyihiin wax baanu ugu qaba-naynaa, dadka uu soo gaadhay xanuunku oo been ah, weligood-ba dhibta dadka bay ka faa'iidays-taane. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, oo aan mar kale aan gacmaha hoos dhigay Daayin-keen " Alla-hayaw na saba-bixi adaa saatiroo kara'e" cudurkan aduunka meel walba gaadhay iyo kuwaan aan sare ku sheegay, ee kunka jeer ka sii xun xanuunka laf-tiisa " Waa Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximane" Waxan nahay ummad sabool ah, oo cadaw aan ka naxaynin gacanta ugu jira'e, ka shaqaysta mooyee, ee naf ay dalka iyo dadka u hayaan iskaba yar tahaye, Rabbiyaw naga bad-baadi, oo naga dul qaad, cilmina uma lihin, ciidana waa ka mahdaan nahay, tuugina weliba way noo sii dheer tahaye, waa kuwa fadhiya " Xaafad-tooyadda'e".
* N.B Alla-Hayaw Na Saba Bixi Adaa Saatirtoo Kara'e!
* Qore:-  Abdi-Shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...