Coronavirus: Nin U Dhintay Dawo Uu U Liqay Ka Hortagga Covid-19

0
Wednesday March 25, 2020 - 13:01:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Coronavirus: Nin U Dhintay Dawo Uu U Liqay Ka Hortagga Covid-19

    Nin ku noolaa gobolka Arizona ayaa dhintay, xaaskiisana waxay ku jirtaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ku noolaa gobolka Arizona ayaa dhintay, xaaskiisana waxay ku jirtaa

xaalad halis ah ka dib markii ay liqeen dawada malaariyada ee Chloroquine. Ujeedadoodu waxay ahayd in ay kaga hortagaan Covid-19.


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuu sheegay in dawada chloroquine ay suuragal tahay in lagu daweeyo fayraska.



Balse lamaanaha degganaa Phoenix waxay liqeen kiimiko aalaaba loo adeegsado in lagu nadiifiyo booyadaha biyaha ee kalluunka lagu dhex rido.


Waxyar ka dib markii ay liqeen ayey xanuunsadeen waxaana la geeyay cisbitaal, sida ay sheegeen maamulka caafimaad ee Banner Health.


Labadan lamaane waxay ku jireen da'da 60-maadka.

Haweeneyda oo weli taalla cisbitaalka waxay NBC u sheegtay in telefishinka ay ka aragtay Trump oo ka hadlaya faa'iidada suuragalka ah ee laga heli karo chloroqiune in lagu daweeyo Covid-19.


Maamulka Cuntada iyo Dawada Mareykanka (FDA) ayaa horey u ansixiyay in dawadaas loo adeegsado Malaariyada, iyo xanuuno kale, balse weli lama ansixin in loo adeegsan karo daweynta fayraska corona.

"Waxaan aragnay isagoo saxaafadda la hadlaya. Tahan ma ahayn xaqiiqdii," ayey tiri. "Trump wuxuu ku celceliyay in aasaas ahaan ay dawo wanaagsan tahay."


"Waxaan ka baqeynay in aan xanuunsano," ayey u sheegtay NBC.

Waxaa jiro ugu yaraan 46,548 qof oo uu ku dhacay fayraska ee dalka Mareykanka. Waxaana u dhimatay ugu yaraan 592 qof.


Qoyskan waxay horey dawadan chloroqiune ugu adeegsadeen daweynta biyaha kullaanka, qeyb ka hartay ayeyna guriga ku haysteen. Dawada ay haysteenna waa mid ka duwan nooca lagu daweeyo malaariyada.

Waxay isku dareen dawada iyo biyo, way qaseen ka dibna way cabeen. Illaa 20 daqiiqo gudahooda ayey labadaba ku xanuunsadeen.


"Waxaan billaabay matag," ayey tiri. "Seygeygana waxaa ku dhegay naqaska."

Seygeeda ma uusan badbaadin, iyadana weli waxay ku jirtaa xaalad halis ah.


"Khubarada caafimaadka waxay xoojinayaan in chloroquine, oo ah dawo malaariyo, aanan loo adeegsan karin daweynta ama ka hortagga Covid-19," ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday Banner Health.


Marka la eego xaaladda aan sahlaneyn ee ku xeeran Covid-19, waan fahamsannahay in dadka ay isku deyayaan in ay helaan qaabab cusub oo ay ku daweeyaan ama uga hortagaan fayraska, balse dawo inaad iskaa u qaadato ma ahan arrin wanaagsan."


Isbuucii la soo dhaafay, Trump wuxuu sheegay in dawadan ay tahay mid macquul ah. Wuxuu Twiter-kiisa ku qoray in "fursad wanaagsan ay leedahay oo wax ka bedeli karta xaaladda taariikhda daweynta," marka la qaado dawada antibiotic-ga ee azithromycin.


"Waxaan dooneynaa in aan dawadaas u diyaarino sida ugu dhaqsaha badan," ayuu ka yiri shirkii jaraa'id ee isbuucii tagay uu ku qabtay Aqalka Cad.


Hay'adda FDA ee Mareykanka u qaabilsan Dawada iyo Cuntada ayaa isla markiiba qeexday in chloroquine aanan la ansixin, iyagoo sheegay in aysan jirin dawo la tijaabiyay oo daweyneysa ama ka hortageysa Covid-19".


Isbuucii la soo dhaafay, saraakiisha caafimaadka Nigeria ayaa sidoo kale soo saaray digniin ah in dawada malaariyada aan si xun loo adeegsan ka dib markii cisbitaallada magaalada Lagos ay soo weriyeen in tirada bukaannada ku xanuunsaday isticmaalka chloroquine ay sare u kacday.


Dawadaas ayaa farmashiyaasha Nigeria ka dhammaatay taas oo ay suuragal tahay in ay ka dhalatay hadalka Donald Trump.


Qoraal ka soo baxay Laanta Xakameynta Cudurada ee Nigeria ayaa lagu sheegay in "Hay'adda Caafimaadka Adduunta ee WHO aysan ansixin isticmaalka chloroquine in lagu daweeyo Covid-19."

"Fadlan haisticmaalin dawo uusan dhaqtar ku siin. Taas waxay kuu geysan kartaa dhibaato, waadna u dhiman kartaa."

 

BBC

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...