Tawxiidkaaga Calanka Leh, Tilmaantiisa Nagu Dhawr.

0
Wednesday March 25, 2020 - 11:34:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tawxiidkaaga Calanka Leh, Tilmaantiisa Nagu Dhawr.

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B).

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).


WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

Waxan arkayey xukumada oo shaacisay  cida Jaadka suuqa ku cunaysa in la soo xidho.

Mafrashyadana laga mamnuuco.



Uma arko inay wax macano ah samaynayso ee waa qarsada.


Way adagtahay in jaadka la joojiya oo ingiriis iyo Siyaad Bare ayaa tag waayey.


Waxan odhan lahaa in horta la baadho dariiqo lagu joojin karo siiba wakhitigan adagee lagu jiro.

Haddii la waayo si loo joojiyo:


1-HA LA KARANTIIMEEYO CIDII LAGU QABTO IYAGO LABA QOF KA BADAN OO MEEL WADA FADHIYA.


2-CASHUURTA JAADKA HA LA LABANLAABO.


3-HA LA JOOJIYO LACAGTA DOOLARKA IYO BIRTA AH EE LAGU SOO IIBSANAYO.


4-KHASAB WAXA KU NOQONAYSA INAY SHILINKA SL QAATAAN ITOPIYAANKU AMA AY ALAAB KALE KU BEDESHAAN,


SIDA MILIXDA, HARGAHA, CAANAHA, SUBAGA IYO WAXYAABO KALE OO WADANIYA.


HADDAY SOCON WEYDO LANA DEYN WAAYO,KIINYA AYAA U BAAHANE HA LOO WAREEGO.


WAAYO LABADA DALBA XANUUNKU WUU KA DILAACAY EE HADDII KOLAYBA DADKU CUDUR U DIYAAR YIHIIN HA QAATAAN KAA U DHIBYAR.


TIXDA MAANTU WAXAY TIDHI,TABANTAABSHE EEBOOW,


TALO WAAN KA MADHANAHAY,TAAGNA WAADNA ARAGTA,


TUKUBAAN KU LUUDNAA,TOLNA ADIGA MOOYEE,


TABANTAABO KUMA LIHIN,TIRO BADAN ADUUNYADAN,


WAYNA WADA TAKOOREEN,ADIGAY TAADA NOQOTAA,


TAMARO UMA HAYNE,TAHAN CUDURKAN NAGA MARI,


TAWXIIDKAAGA CALANKA LEH,TILMAANTIISA NAGU DHAWR.


            ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...