Bariiska Carruurtayda
da’da saddex iyo tobbon jirka iyo saddex jirka. Aabbohood kal saddexaad buu hoyday,
halkii loo badnaanna tegay! Godka Eebbe ha u nuuree, wuxuu ahaan jiray Kuuli.
Mar wuu heli jiray marna wuu waayi jiray. Keligii kumaan dayn jirin hawsha iyo u soo raadinta
bariiska carruurta e’ aniguna waxaan dhinac kale raadin jiray cuntadooda iyo
dharkooda waxbarashadu haba danbaysee. Hadda hawshu keli ayey igu tahay. Waxan
muddo laba sanno ah iibin jiray muuska, markii se’ deyn badan la igu yeeshay
baan faraha ka qaaday. Hadda waxaan haystaa meel lagu iibiyo shaaha waa Aqal-Soomaali yar oo baco badan ka samaysan. Gidaar baan ka dhinac samaystay.
Gidaarka kiro badanbaa la iga qaadaa mararka qaar
waxay igu gaadhaa afar billood. Waa garanayaa magaalada billicdeeda iyo
badhaadheheedaba. Baylahdeedana cidi ii
sheegi mayso. Waanan garanyaa wax kasta
oo magaalada qurux badnaysiinaya cidina iiga warrami mayso. Dawladda hoose
sidaan fillaayo saddexdii billoodba marbay na duugtaa oo na daad guraysaa,
xashiiskana raacisaa dhammaan agabkayaga oo dhan meelna nama geeyaan! Markay
maalin ama saddex maalmood naga maqnaadaan waanu soo noqonaa. Annaguna kama
daalno askarta naga kala daadinaysa agabkayaga. Qaar naga midaa gura,”Car
alaabtayda kala daadi. Ma adaa ku dhaca. Haddaan wiilashaan dhalay kuugu yeedhi
waayo fartaad qaadaba ha ku jabiyaane.” Askarta qaar aad bay u naxariis badan
yihiin way iska dhaafaan qaarkalana bakoorad bay dabada noo qabtaan. Waa kala
duwanaanshaha dadka iyo abuurka dabeecaddoodda.
Gurigayga waxan ka soo baxaa shanta arroornimo, mana ku noqdo inta ay ka gaadhayso siddeedda habbeenimo. Carruurtayda
cidi ila ma hayso iyagaa is-haya. Waan ogohay tani inay adagtahay hase yeeshee
waxan kaga dhigaa calool adayg waa iyo Alle wehelkii. cid aan ahayn Eebbe
kagama tago.
Danta carruurtaydaa gurigayga iga soo saartay, danta carruurtaydaan baa bacadka u fadhiyaa, balaayooyinka qaarna la kulmaa, danta carruurtaydaan u daallanahay markasta. Haddaanan sidaa samaynin qayrkay u baahanayaan gacantana hoos dhiganayaan! Anna tan ma ogoli mana ogolaan doono, mana ogoli inay waxbarasho beelaan. Waxan ogolahay inay gaadhaan meel ka sarraysa halkay gaadheen qayrood dadkooda, dalkooda, diintoodana wax ku soo kordhiyaan. Carruurtaydaan u rafaadsannahay markasta. Dartood waan u daalaa, mana danneeyo diifta dushayda ka muuqata. Haa iyaga waxa kasta oo wannaag badan baan u sameeyaa kelidayna ma ahee Hooyooyinkoo dhan baa ila qaba. Hooyooyinka qaar waxay bariiska carruurtooda ka raadiyaan Muus ay iibiyaan in ku xumaata oo laga iibsan waayana yeelata, marka danbana u dhigta xoolaha.
Hooyooyin maantoo dhan gidaar fadhiya oo naawila dad ay u soo shaqeeyaan qaarkoodna waxay fadhiyaan 10 saacaddood! Boodhka, Basaaska dushooda barridsaday iyaga waa busayl waayo baahiday halkan u fadhiyaan baa ka darran. Hooyooyin Shaah kariya maantoo dhanna afuufa dhuxusha iyo xaabada indhaha qiiqa kaaga ilmaysiinaysana u adkaysta. Anna bariiska carruurtaydaan bacadkaa u fadhiyaa oo aan u badheedha balaayo kasta!
Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!