"Talaabo Kasta Oo Lagaga Hor Tagi Karo Coronavirus Halla Qaado.." Boqor Raabi

0
Wednesday March 25, 2020 - 09:53:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Talaabo Kasta Oo Lagaga Hor Tagi Karo Coronavirus Halla Qaado.." Boqor Raabi

    "Coronavirus, waa xanuun aad khatar u ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Coronavirus, waa xanuun aad khatar u ah"

Hargeysa (HWN)- Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaah, oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay xanuunka Coronavirus,  waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Xukuumadda iyo Shacabka reer Somaliland, waxaanu ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeraad ah.

 

Boqor Raabbi Yuusuf Cabdilaah,oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu  horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Coronavirus, waa xanuun aad khatar u ah, oo inta badan gaadhay Waddamada kala duwan ee Caalamka, waa xanuun dad badani u dhinteen, dad badana soo ritay, waa xanuun si yar oo fudud loo kala qaadi karo, talaabo kasta oo lagaga hor tagi karo Coronavirus inuu dalkeena soo galo ha la qaado, Xukuumadduna hormood ha ka haato, Shacabkuna aad ha isku ilaaliyaan, oo aad ha loogu dedaalo nadaafada oo feejignaan dheerad ah ha la muujiyo”.

 

Boqor Raabbi mar uu ka hadlaayey baryada ALLE in la badiyo ayaa wuxuu yidhi "Umaddeena iyo guud ahaan Umadda Islaamka ah ee aynu ka mid ka nahayba meel kasta oo ay joogaan, waxaan ALLE uga baryayaa caafimaad iyo inuu inaga hayo xanuunada iyo dhibaatooyinkaba, mar kastana aynu xasuusnaano ILLAAHAY iyo xuskiisa, oo aynu badino xuskiisa iyo bariyadiisa”.


Loading...
Loading...