Korona Waa Dhuxulo Dab Ah..W/Q Axmed Xiis Dharbaan

0
Tuesday March 24, 2020 - 19:55:44 in Articles by
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Korona Waa Dhuxulo Dab Ah..W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Korona Waa Dhuxulo Dab Ah..W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Korona Waa Dhuxulo Dab Ah..W/Q Axmed Xiis Dharbaan

Image may contain: Axmed-xiis Dharbaan, smiling, sitting




Hadda cudurkii guri kasta gal; hadda horteena ayuu yaalaa - bal aynnu sidiisa uga hadalno.


Nin aan saaxiib nahay oo jooga Sweden, ayaa maalin dhawayd gabadh diktoorad ah waydiiyey "maxaa aad sida waddamada France oo kale u xakamayn waydeen shacabka?" Waxa ay ku tidhi: Cudurkan waxba lagama qaban karo - wuu yimid wuu yimid. Islaantaasi waxa ay tidhi: Hal malyuun iyo badh buu Sweden cudurkaasi ka galaafanayaa, sida lagu wado - waanu aqbalnay.


Cudurkanni waa bambo biyoolaji ah oo kama ama kutalagal ugu dhacday kawka. Dadka uu cudurku laayey illaa hadda waa 10k; dadka uu taabanayaa - mid usoo dhaca iyo mid iska caabiyaba
- waa todaba qof tobbankii kasta ee dunnida ku noolba, sida la sheegayo.


Cudurkani waa mid halistiisa xambaarsan hadaba, cudurkanni waxa uu khalkhaliyey madax door ah, waxa ka mid ah:


Trump: Mar wuxuu yidhi, waa been "hoax" mar wuxu yidhi "waxba inaga layn maayo" aakhirkiina wuxuu qiray in xanuunkanni in uu yahay "cadaw qarsoon oo layaan ah".


Boris: Ninkaasi waxa uu yidhi: Waxba dadka xarayn mayno ee dadka waawayn hala fogeeyo dadka da'da yar. Markii ay ku sigteen sida Talyaaniga in ay dawakhaan, ayuu Macron jimcihii amar siiyey odhanaya "haddii aad dadka xarayn waydo, adiga (Britain) ayanu iska kaa xakamayn doonaa".


Madaxweynaha Brazil: Xanuunka waa aad qabtaa baa lagu yidhi, waaba ninka dadkisii banaanka isugu wada yeedhay - waa been ku lahaa!


Muuse Biixi: Aleylehee si dhab ah ayuu ugu fashilmay cudurkan. Waa ninka caafimaadka dadkiisa kula khamaaray Farmaajo kama taliyo Cigaal Airport.


Madaxda dawakhday marka aynnu ka nimaadno dalal baa fashilmay, qaar kale ayaa xatooyo lagu eedaynayaa.


Italy: Waddankaas farrihiisa waa ay ka baxday talo - Rabbi buu talo saartay. Iminka waa bilaa tamar; cudurka haddii uu ka kaco, Midawga Yurub in aanu kusii jirayn baa ay u muuqataa saa takulaba ma ay sinne.


Waddanka Czech republic waxa lagu eedaynayaa markab Talyaani ku socday oo waddankaas u siday "af dabool -masks" in ay leexsadeen. Anakuba waanu u baahanahay baa ay ku dooddeen, markii dambana cawri gaf baa ay usoo celiyeen Talyaaniga.


Maraykanka waxa laga waayey "baaskooladda cabirta xumadda cudurka" waxa kala oo ku yaraaday "masks" kadibna Turkey ayaa u diray 400k oo xabbo sida la sheegayo.


Cudurkani wuxu keenay in si dhab ah loo fahmi waayo xaqiiqadiisa. Dadka qaar waxa ay farta ku fiiqayaan baannanka oo ay leeyihin, iyaga ayaa jabkooda ka hoos gallay xanuunkan - macquul se maaha. Xanuunka fashiliyey fahamka Trump, waa mid ay adag tahay tafsiir dhab ah in la saaro.


Shiinaha iyo Galbeedka


Shiinaha war sugan lagama heli karo hayeeshee, Shiinuhu yaanu idin dhuumman, Midawga Yurub oo la isku daray wuu ka dhul balaadhan yahay, ka dhaqaale (GDP) badan yahay, ka khayraad badan yahay, ka farsamo badan yahay wakhtigan oo ka dad badan yahay. Dhaqanka dagaalka marka ay noqoto "dadkiisu waa u daacad dalkooda". Sun Tsu awaamiirtisii ayaa ay haystaan oo ah: Khiyaamee oo ka yaabi.


Haddii China uu kaga wanaagsanaday Maraykan iyo Yurub xakamaynta xanuunka taasi maaha shacabka Shiinuhu waa ay ka nolol wanaagsan yihiin shacabka Maraykanka iyo kuwa Yurub


W/Q Axmed Xiis Dharbaan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...