Maxay SNM U Taagnayd Oo U Dagaallamaysay..W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

0
Tuesday March 24, 2020 - 19:22:09 in Articles by
  • Visits: 2430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay SNM U Taagnayd Oo U Dagaallamaysay..W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

    Maxay SNM U Taagnayd Oo U Dagaallamaysay..W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay SNM U Taagnayd Oo U Dagaallamaysay..W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Image result for maxamed baashe


"Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed wuxu aaminsan yahay in la xoreeyo Soomaaliya oo idil, lana ilaaliyo midnimadeeda”. Sidaas waxa dhigayey qodobkii lixaad ee dastuurkii SNM. Caddaynta Koowaad ee ugu weyn weeye tani.


Caddaynta Labaad: Qodobkaas dastuuriga ah marka laga yimaaddo, waxa kale oo caddayn u ah wixii ay SNM u taagnayd ee ay u dagaallamaysey qaab-dhismeedkii saldhigyada SNM ay u yaalleenn iyo hab-dhismeedkii guddiyada iyo golayaasheeda dhexe, kuwa joogtada ah iyo fulinta. Golaha dhexe, fulinta iyo guddida joogtada ah ee SNM waxa ka mid ahaa xubno badan oo Reer Koonfured ah.


Cali Maxamed Cosoble (Wardhiigley), Ahun, oo ruugcaddaa reer Muqdisho ahi, waxa uu mar ahaa guddoomiyexigeenka SNM xilligii Axmed Siilaanyo guddoomiyaha ahaa. Cali Hagarrey oo reer Muqdisho ahaa, kana mid ahaa wasiirradii 1960-aadkii, waxa uu ka mid ahaa golaha dhexe iyo guddida fulinta ee SNM ee xilligaas. Ragga golayaasha SNM ka midka ahaa waxa ugu cuslaa: Sheekh Yarow, Cabdinaasir Sheekh Cali, Ahun, Cabdi Sheekh Jaamac (Karuur), Ahun, Khaliif Sheekh Axmed, Ahun, Maxamed Duqow, Kornayl Gorgor, Iraad iyo rag kale.


Saldhig ku yaalley Mustaxiil (jiidda Hiiraan ku foororta) oo SNM lahayd waxa hawshiisa ku naf waayey guddoomiyihii saddexaad ee SNM Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, Ahun, shirqool ka dhashay khilaaf saldhigga madaxdiisii ka dhex aloosmay 1987. Shaldhiggii weynaa ee Koonfurta ee gobollada Gedo, Bay iyo Bakool, gaar ahaan, Luuq, Doolow, Buuraaminow, iyo Suufti waxa ka hawlgalay ciidamadii ugu ballaadhnaa ee Koonfurta, markii dambe ee ay SNM ku wacadka furtay na la baxay SSNM (Southern Somali National Movement).


Caddaynta Saddexaad: SNM uma aanay qorshaysnayn in waddanka la kala gooyo, waxa na marag u ah heshiiskii (Mustaxiil 1990) ee saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray SNM, USC iyo SPM ee dhigayey in saddexda urur dhisi doonaan dawlad ah marka taliska Maxamed Siyaad Barre la rido.


Caddaynta Afraad: Waxa taas ka markhaatiga ahi tan uu ka sheekeeyey Xasan Ciise Jaamac oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii SNM ee xilligaas (1991) iyo aasaaseyaashii SNM (1981). Isaga oo arrintii go’itaanka dedejisey ka hadlaya waxa uu Xasan Ciise yidhi, "Waxa ii yimid Yaxye Xaaji Ibraahim, Ahun, oo reer Gebiley ah iyo Axmed Maxamed Halac, Ahun, oo Bariga Burco ahaa oo sita ra’yiga in dib loo soo celiyo madaxbannaanidii 1960. Waxa ay ka turjumayeen dareenkii shacabka oo arrintaas aad ugu guuxayey”.


Xasan Ciise Jaamac oo arrintan sii ambaqaadaya waxa uu yidhi, markii hore ra’yigaas lama aan qaadan oo waan ka diidey, markii se dambe ee aannu aragnay in shacbigu dareenkaas xoog u qabo, wax kalena aan la marin karin ayaannu kula qancay aniga iyo odayaal kale oo SNM ah oo la qaadannay, waxa aanan ula tegey oo uga warramay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur). Shir hordhac ah ayaannu Hargeysa ku sii qabannay intii aannan Burco tegin oo aannu ku ogaanney dareenkaas dadka ee xoogga badan, waxa aanu Cabdiraxmaan Tuur igu yidhi, ‘haddii ay arrintaasi shirka Burco ka soo baxdo anigu waxa aan gelayaa hawl-gab siyaasadeed ee diyaar noqo’. Cabdiraxmaan iyo rag kale oo SNM ahaana naguma ay raacsanayn arrintaas dib ula soo noqoshada xornimada.”


Xaqiiqo ahaan raggii waaweynaa ee siyaasiyiinta ahaa ee SNM hormoodkeeda ahaa raalli kama ay ahayn go’aankaas gooni isu taag, waa ay se iska gurdanraaciyeen markii dambe ee ay garwaaqsadeen in dabayshu dhinaca kale u dhacayso, mawjadda socotana aanay ka hor iman karin si toos ah.


Xasan Ciise Jaamac oo ka dabqaadanaya ra’yigii Axmed Maxamed Halac iyo Yaxye Xaaji Ibraahim, waxa uu qabtay shirkii Burco, iyada oo Cabdiraxmaan Axmed Cali ka maqan yahay. Xasan Ciise oo taas ka hadlay waxa uu yidhi, "Markii shirku noo soo dhammaanayey ee go’aamadii ka soo baxay la yeedhin lahaa ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali noo yimi”.


Caddaynta Shanaad: Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Ahun, ayaa maalintaas (17/05/1991) goobtii ka hadlay oo yidhi, "waxa suurta gal ah in wakhti uun haba fogaato’e gobolkan geeska Afrikaba isu iman doono oo midoobi doono, hase yeeshee arrintan aad uga feejignaada oo iskaga hubiya”. Cabdiraxmaan laba sanno ka dib waxa uu caddaystay mawqifkiisii federaalka ahaa markii uu xilka ka degey ka dib shirkii Boorame 1993.


Waxyaalaha kale go’itaanka dedejiyey waxa ka mid ahaa xukuumaddii Maanifeesto ee Muqdisho lagaga dhawaaqay iyada oo aan SNM wax talo ah laga weydiin, isla markaana BBC-da uun laga maqlay, taas keentay shacbiga lagu kiciyo. USC iyo SPM laftarkooda Manifeesto ma aanay wax tixgelin ah oo weyn, taas oo horseedday dagaalladii sokeeye ee Koonfurta ku sii faafahay, gaar ahaan Muqdisho gudaheeda, ee kala qaybiyey.


Marka la eego ku dhawaaqii gooni isu taagga, intii hunguri kaga jirey in wax la hojiyo oo dhinacyo kale wax laga eego qori caaraddii ayaa dhafoorka iyo dhegta lagaga qabtay oo lagu yidhi "gooya gooya, ku dhawaaqa oo hadda gobollada waqooyi gooya, Somaliland na ku dhawaaqa”! Hase yeeshee siyaasiyiintii maalintaas badiddoda go’aankaas uma uu qudhqudhsamin, waxa aanay sameeyeen isku day badan oo arrintaas lagu dhabar jebinayo.


Caddaynta Lixaad: Cabdixakiim Ismaaciil X. Axmed oo ahaa xoghayntii SNM ee 1990-aadkii, haddana Oslo ku nool, ayaa ila wadaagey xogo uu kaydiyey oo arrintan la halmaasha. Waxa ka mid ah xogtaas heshiish laba docood ahaa oo Muqdisho ku dhexmaray 8-dii August 1991 ururradii USC iyo SNM. Waa laba bilood ka dib ku dhawaaqii la soo noqoshada madaxbannaanida. 19-kii Julay - 8-dii August 1991 ayaa wada hadallo labada dhinac u socdey waxa go'aannadii la gaadhey ee qalinka lagu duugay ka mid ahaa:


- In labada urur u adeegaan sidii loo wada yeelan lahaa midaynta siyaasadda dibedda, barnaamijyo mashaariic horumarineed, manhajyada waxbarasheed, lacagta iyo gaadiidka iyo is gaadhsiinta.


- in ay isku furnaadaan isku socodka ganacsiga labada shacbi, lana kobciyo xidhiidhka hiddaha iyo dhaqanka, si loo xoojiyo gacaltooyada iyo walaaltinnimada.


Wada hadalladaasi xallinta dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed waxa ay u dhaafeen in ay u taallo dadkeeda. Aayo ka talin wixii ku saabsanna dhib baa loogu riixay xilliyo dambe. Waayo markaas gooni-isu-taaggu waxa uu dhacay laba bilood ka hor in ka badan oo ay Somaliland gooni u taagnayd. Dhinaca weftiga SNM waxa go'aannada wada hadalladaas u saxeexay Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, markaas na ahaa guddoomiyaha weftigaas. Dhinaca USC waxa heshiiskaas u saxeexay Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo AHN ahaa guddoomiyihii USC.


Arrinta kale ee caddaynta u ah in aanay SNM u qorshaysnayn in ay waddanka kala goyso waxa marag u ah hadallo ay jeediyeen xilliyo kala duwan labadii madaxweyne ee u kala dambeeyey talada Somaliland ee Axmed Siilaanyo iyyo Muuse Biixi.


Caddaynta Toddobaad: Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo), oo ahaa guddoomihii ugu muddada dheeraa ee SNM ayaa arrintan mabaadidii SNM ee midnimada Soomaaliya ka hadlay xilligii uu ahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxa aanu yidhi, "Dadka qaar baa yidhaahda SNM waxa ay u dhalatay in ay Soomaaliya kala goyso. Runta ayaan idiin sheegayaa ee sidii markii dhoweyd la sheegayey aniga oo ahaa guddoomiyihii SNM ugu wakhtiga dheeraa. SNM siyaasaddeedu ma ahayn markii hore in ay goosato, ilaa markii u dambeeyey na goosi ma jirin, wax se ay ahayd kellifaad markii xukuumaddii Cali Mahdi la iskaga dhawaaqay, iyada oo SNM aan laga la tashan”.


Caddaynta Siddeedaad: Madaxweynaha hadda ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay 1989 siyaasadda SNM iyo waxa ay u dagaallamayso farriin uu u dirayey saraakiisha ciidamada Soomaaliyeed, isna waxa uu yidhi, "Taliska Siyaad Barre dacaayado badan ayuu SNM ka fidiyaa oo ah waxa ay doonayaan in ay gooni u goostaan. Waxa ay doonayaan in ay xaaqaan ummadaha kale ee la deggan. Waa dad gaar ah. Saraakiisha Soomaaliyeed waxa aan u sheegayaa in aannu u dagaallamayno in dhulka Soomaaliya dhammaantii laga xoreeyo taliska faashiga ah. In la helo maamul dadku ka wada qayb-galo oo garsoor xaq ah leh. Waa isugu kaaya mid in aannu wada xorayno ka Afgooye jooga iyo ka Kismaayo jooga”.


Caddaynta Sagaalaad: 25/03/1983 ayaan SNM anigu ku biiray. Ka mid baan ahaa dadkii aan habeenna ku seexan, kuna soo toosin, in SNM dalka kala goyn doonto. Feker beryihii dambe sii shiiqayey oo go’itaan ku saabsani waa uu jiri jirey SNM dhexdeeda xilliyada qaar, wax se siyaasadda iyo dadka badidiisu rumaysnaayeen midnimo Soomaaliyeed. Mar dambe ayaa dareenka go’itaanku laabta la soo kacay.


Maalintii Burco lagaga dhawaaqay gooni isu taagga, waxa aan ka mid ahaa dadkii arrintaas saluugga weyn ka muujiyey. Sababtu waxa ay ahayd in aan u arkayey in maamulkii SNM uu na khiyaameeyey oo ka baxay dastuurkii yeellay iyo ujeeddooyinkii halganka iyo in aanay muuqan cid dammaano-qaadi karta in wixii Muqdisho lagu diiddanaa aanay Hargeysa ka dhicin sida maamul xumo iyo caddaalad darro.


Arrintaas waxa aan ka sheegay Laanta Afsoomaaliga ee BBC London, barnaamijkii ‘Maxay Kula Tahay’ oo baxay maalmihii ka dambeeyey ku dhawaaqa gooni isu taagga. Waxa barnaamijkaas dhegeystey dad badan oo qaarkood maanta nool yihiin.Abdi Abokoroo Hargeysa hadda ku nool iyoAbdi Farah Saeed(Juxa) ayaan markhaati gashanaya.


Intaas waxa aan uga gol leeyahay in runta la ogeysiiyo dadkii aan SNM iyo waxa ay u taagnayd aan xogogaalka u ahayn, gaar ahaan, inta ka dib xilligaas dhalatay ama cayddiga ahayd ee maanta hanaqaadka ah.


Maxamed Baashe X. Xasan iyo dad badan oo la mid ah, qaarkood mootan yihiin, SNM na ka mid ahaa, uma aanay dagaallamin in ay Soomaaliya kala gooyaan. Dad badan oo SNM ah ayaa Koonfur ka soo jeedey. In badan oo Waqooyi ka soo jeeddey oo SNM ahaa ayaa midnimada Soomaaliya u taagnayd oo u dagaallamaysey sida xagga sare ku cad dhigaalladii iyo qaab-dhismeedkii SNM.


Muxuu Maxamed Baashe uga qayb-qaatay yagleelkii iyo horumarintii Somaliland? waa su’aal iman karta. Markii hore waxa ay ahayd, ‘Haddii dayaxa la waayo xiddigahaa lagu gudaa’ iyo ‘Marka weylaha la helaa lo’da la maalaa’. Qof kasta oo garasho lihi waa uu ku khasbanaa in uu arrintaas gacan ka geysto oo waajib gudashada ayaa heerkaas ahayd, maanta na waa xilgudasho taas ka sii sarraysa tan lagu dhawaaqay (Mar Kale Midnimo) oo habboontiisii soo hor yeelatay. Sidan ayaa waajib gudashadu kuu diraysaa. Waa derejo ka sii sarraysa tii shalayto, kana fursado iyo faa’iido badan.

’Midnimaan mar kale doonayaa aan u meel dayo’


Mar Kale Midnimo.


"Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed wuxu aaminsan yahay in la xoreeyo Soomaaliya oo idil, lana ilaaliyo midnimadeeda”. Sidaas waxa dhigayey qodobkii lixaad ee dastuurkii SNM. Caddaynta Koowaad ee ugu weyn weeye tani.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...