Maxay Yihiin Qodobada Aan Ka Fulin Go'aamadii Ay Soo Saareen Guddida Ka Hortaga Caabuqa Corona?

0
Tuesday March 24, 2020 - 18:16:03 in News by
  • Visits: 1428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Qodobada Aan Ka Fulin Go'aamadii Ay Soo Saareen Guddida Ka Hortaga Caabuqa Corona?

    Maxay Yihiin Qodobada Aan Ka Fulin Go'aamadii Ay Soo Saareen Guddida Ka Hortaga Caabuqa Corona?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Yihiin Qodobada Aan Ka Fulin Go'aamadii Ay Soo Saareen Guddida Ka Hortaga Caabuqa Corona?


Hargeysa(HWN):- Guddida heer Qaran ee ka hortaga caabuqa Corona ee Somaliland ayaa dhawaan soo saaray go'aamo dhawra, oo ku aadanaa Bulsho-weynta reer Somaliland.


Waxaana inkastoo uu Foolkii hore ee go'aamadaasi u muuqday inuu furmay jidkii lagu fulin lahaa, hada waxa jirta inay jiraan qodobo dhawra oo aan ilaa hada la hayn Hilinkii lagu fulin lahaa.

Qodobada aan ilaa hada la eegin geestooda ayaa waxa ka mida:



• Inaan layskugu iman goobaha lagu kulmo guud ahaanba.

[ ] Waxa uu qodobkani noqday mid aan fulin oo Bulshadu aanay qaadan,waxaana muuqata inay Bulshadu sidoodii caadiga ahayd isugu yimaadaan Hudheelada, goobaha Cawayska,Maqaakhiyaha, Marfashyada lagu Qayilo iyo Aroosyadii oo loo badelay ina lagu qabsado Guryo.


• madaxa banaan iska soo diiwaangaliyaan Wasaarada Caafimaadka Somaliland.

[ ] Qodobkanina waxa uu isna u eegyay midaan dhagay-laq loo siin, waxaana jirta sidaan ku helaynay xogo lagu Kalsoonaan karo,inaanay ilaa hada jirin cid iska soo diwaan-galisay Wasaarada Caafimaadka,si ay si Taburucaada ugu shaqeeyaan haddii dalka uu soo gaadho COVID19.


• Inay Wasarada Caafimaadku adeegsan doonto markay u baahato goobaha Caafimaad ee gaar loo leeyahay iyo shaqalahoodaba.


[ ] Waa qodob kale oo isna Fulintiisa hadal ka taagan yahay, waxaana jirta warar sheegaya inay qodobkani ka Gaws-adaygeen badi Dhakhaatiirta gaarka loo leeyahay iyo shaqaalahoodduba, marka laga tago in yar oo kooban oo markii horeba wada shaqayn la lahaa Xukuumada.


Qodobadani waxay ka mid yihiin qodobadii ay guddidu soosaartay balse aan dhankoodaba aan la eegin, waxaana su'aalaha taagani ay yihiin:


● Sidee loo Fulin doonaa qodobadani?.

● Ma hadalkii Wasiir Kaahin ayaa la qaadan doonaa ee ahaa inay ciidamadu Talaabo ka qaadi doonaan mise Taalaabo kale ayaa la qaadi doonaa?.


● Ma guddida ayaa qodobo kale kasoo saari doonta Fulin qodobadani?.


● Iyo ma Dadka ayaa garan doona dantooda oo iskood isku xil-qaami doona si u fuliyaan qodobadani?.

Ugu danbayntii waa muhiim ina la Fuliyo qodobadani oo dalka iyo dadkaba u Dana.


Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...