Qoysas Degan Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa Oo Awood Lagaga Rarayo Dhulkii Ay Deganaayeen

0
Tuesday March 24, 2020 - 18:11:38 in News by
  • Visits: 2807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoysas Degan Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa Oo Awood Lagaga Rarayo Dhulkii Ay Deganaayeen

    Qoysas Degan Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa Oo Awood Lagaga Rarayo Dhulkii Ay Deganaayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoysas Degan Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa Oo Awood Lagaga Rarayo Dhulkii Ay Deganaayeen


Hargeysa(HWN):- Qoysas deganaa duleedka Galbeed ee magaaalada Hargeysa,oo dhawaan sheegay inay Dhul isku haystaan Qoyska Madaxweyne Muuse, ayaa maanta sheegay ina Awood lagaga rarayo Dhulkii ay deganaayeen.


Mid ka mida dadka deegaankaasi oo aan la xidhidhiidhay,ayaa iisheegay inay saaka ku waaberiisteen ciidamado tiro badan oo la dul dhigtay iyo Cagafyo loogu talo galay ina Guryahooda lagu dumiyo.



Balse waxa uu sheegay inay iska caabin adag oo ay galeen dadka Xaafadu, ay kaga hor istaageen ciidamada iyo Qalabkoodaba inay wax Talaabo ah qaadaan.


Sidoo kale waxa si adag u sheegay inay Wakhti-xaadirkani ay diyaar u yihiin inay Dhulkooda difaacdaan,sida uu hadalka u dhigay.


Dadkani oo ah dad danyara ayaa Cabashadooda ku aadan Dhulkani ay muddo hakad gashay,balse hada ayay hadana soo laba kac-laysay ka dib markay sheegeen inay Xukuumadu damacday inay si Toosa u rarto.


Intii uu xilka Madaxweynimo hayay Madaxweyne Muuse,ayaa waxa isoo tarayay dadka Shacabka ah ee ka cabanaya Dhulal ay sheegen inay isku haystaan iyaga iyo Qayska Madaxweynuhu.

Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...