Guddoomiye Ku Xigeenka Wajaale Oo Ganacsatadii Wajaale Faruur Xidhay,Dhibta Taagan Iyo Baaq Xukuumadda.

0
Tuesday March 24, 2020 - 16:59:17 in News by
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku Xigeenka Wajaale Oo Ganacsatadii Wajaale Faruur Xidhay,Dhibta Taagan Iyo Baaq Xukuumadda.

    Guddoomiye Ku Xigeenka Wajaale Oo Ganacsatadii Wajaale Faruur Xidhay,Dhibta Taagan Iyo Baaq Xukuumadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Ku Xigeenka Wajaale Oo Ganacsatadii Wajaale Faruur Xidhay,Dhibta Taagan Iyo Baaq Xukuumadda.


Hargaysa(HWN)Magaaladda wajaale waa Hoyga Dhaqaalaha somaliland ugu badani yaalo taasi oo ah dekeda qalalan ee Itoobiya laga galiyo Badeecaddaha kala duwan ee loo waaridayo gudaha dalka itoobiya siiba Dawlada deegaanka oo ah suuqa ku xidhan wajaale.



Magaaladda wajaale Markaad gasho waxa ay indhahaagu qabanayaan in ay tahay magaalo ay ka sexdeen maamulkii dawlada hoose taasi oo qarashaadka kala duwan ee laga si gaar ah ay u lunsadaan masuuliyiinta degmadu.


Ganacsatadda ku dhaqan magaaladda ayaa sheegay in kulan ay la yesheen masuuliyiinta degmadda wajaale kaasi oo ay kula xisaabtamayeen maamulka degmadda ay noqotay mid madhalaysa taasi oo masuuliyiinta gobolku keeni wayeen wax qorshaha oo ay magaaladda ku horumarinayaan,waxaana masuuliyiinta gobolku ay ganacsatadda ku dalaceen lacagihii kala duwanaa ee ay cashuurta uga qaadi jireen.


Qaar ka mid ah Ganacasatadda degmadda ayaa uu dhawaan guddoomiye ku xigeenku xidhay meheradahoodii Ganacsiga,waxaana ay shegeen inuu curyaamin ku hayo ganacsato gaar ah kaasi oo si gaar ah u taarkad garaynayo.


Guddoomiye ku xigeenka degmadda wajaale Mursal Nuux Cismaan Samatar ayaa waxa ay ganacsato kala duwan oo hadhwanaagnews la soo xidhiidhay sheegayaan in dhibaatooyin joogta ah iyo hadidaado kala duwan uu ku hayo taasi oo sharciga baalmarsan.


Gudoomiye mursal ayaa inta badan ah masuulka kaliya ee ganacsatadu shegeen inuu ku amro in lacago kala duwan ay ku bixiyaan qurxinta magaaladda,balse marka ay lacagtaasi gacantiisa ku dhacdo sifooyin kale oo qayrul-sharci ah u adeegsaday.


Dhawaan ayay ahayd markii cabashooyin ay ka soo yedheen ganacsatadda degmadda uu xabsiga u taxaabay kaasi oo uu ugu atooreeyay inuu yahay masuulka kaliya ee degmadda deegaan ahaan loogu magacaabay jirina cid isaga dhibaato ku haysa ama xilka ka qaadi kartaa.


Mursal ayaa inta badan waxa ay ganacsatadu shegeen in ay soo bandhigi doonaan cadaymo badan oo ay la wadaagi doonaan saxaafadda si xukuumada dhexe u aragto dhibaatooyinka joogta ah ee ay bulshadda ku hayaan maamulka wajaale ee uu ugu horeeyay guddoomiye ku xigeenka wajaale.


Ururka Ka Shaqeeya Arimaha Bulshadda ee degmada wajaale ayaa dhamaan kafeeyay baahiyihii arimaha bulshadda oo qashinka iyo nadiifinta goobaha biyo mareenadda isku hawlay,waxaana meesha ka baxay doorkii masuuliyiinta degmada wajaale.


Magaaladda Wajaale Markaad gasho gudaheeda malaha wadooyin waxaana magaaladda dhexdeeda ay gadiidku wakhtiga xili roobaadka ku galaan Dhiidhiga taasi oo ka dhigan inaad marayso dhul hawd ah.


Hadaba dhawaan la soco Qoraalo iyo Cadaymo Muujinaya Lacagaha Kala Duwan ee uu lunsaday dhulka dawladu lahaday ee uu iibsaday iyo hantida sifaha aan sharciga ahayn uu

Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...