Xukuumada Somaliland Oo Dhimaysa Shaqaalaha Xafiisyada Dawlada Iyo Sababta Keentay
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha Haaya'da shaqaalaha ayaa bogaadiyay dedaaladda gudiga qaran ee ka hortaga Virus-ka dilaaga ah ee CORONAVIRUS iyo talaabooyinka Fayodhawr ee ay qabateen qaar ka mid Maayaradda Magaalooyinka Somaliland.
Gudoomiyuhu,waxa uu sheegay suural-nimada inay Guryahooda ku shaqeeyaan shaqaalaha Dawladda ee Xafiisyada ka maarmi kara,si loo yareeyo khatarta Faafista Xanuunka.
Qoraal uu soo saaray Gudoomiyuhu ayaa waxa uu u dhignaa sida tan: " Iyadoo isha aynu Ku hayno sida caabuqa coronovirus ee halista ahi ugu fidayo aduunka si gaar ahna isha ugu hayno wadamada jaarka. Waxa lagama maarmaan ah in la qaado talaabo, tab iyo xeelad kasta oo lagaga sii gaashaaman karo faafistiisa iyadoo la raacayo tilmaamaha wasaarada caafimaadka iyo Guddida heer qaran.
Waxa imika maanka lagu hayaa oo laga fekerayaa in shaqaalaha dawlada inta xiligan laga maarmi karo, daruurina aanay ahayn inay yimaadaan goobaha xafiisyada shaqada la fasaxo si ay guryahooda u joogaan iyadoo waxii shaqo looga baahdana guryaha Ku soo shaqayn doonaan balse ilaa hada waa rayi muhiim loo arko, waxaana go’aan ka soo saari doona Guddida heer qaran oo loo daba fadhiisanayaa.
Waxaan ku amaanayaa Guddida heer qaran ee ka hortaga faafista coronovirus sida ay dadaalkooda u wadaan sidoo kale Waxaan amaanayaa masuuliyiintii sare ee Wasaaradaha iyo Hayadaha dawlada, maayorka Caasimada iyo maayorada iyo gudiyada gobolada oo talaabooyin ka hortag oo fiican qaaday ilaa hadda. Ilaahay waxaynu ka baryaynaa in uu umadeena iyo muslinkaba baal mariyo cudurkaas, aduunyada inteeda kalena ka nadiifiyo".
Farxaan Aaddan Haybe.
Gudoomiyaha Haay'ada shaqaalaha JSL.