Macalin Muxumed Aw Cali.....W/Q Cabdi Duco

0
Tuesday March 24, 2020 - 16:44:33 in Articles by
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalin Muxumed Aw Cali.....W/Q Cabdi Duco

    Macalin Muxumed Aw Cali.....W/Q Cabdi Duco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalin Muxumed Aw Cali.....W/Q Cabdi Duco


18 Sano ka hor sanadkii 2002 dii "Isago qudha ayaan saamaxaya anigu,Kuwa kale iyaga inay bixiyaan saamax laga rabaa".

Image may contain: 3 people, including Cabdi Duco, beard and closeup


Inaad wax dhasho, dhigto, tukiso ama quudiso cunto ama cabid siiso qof maaha wax macno wayn leh,marka la barbardhigo inaad Qof bani-aadama barbaariso ama buquujiso.


Inaad barbaariso qof ama buquujisa waa arin toos ula xidhiidha ruuxda qofka iyo dareenka dahsoon ee Jacaylka,nacaybka,hoogga,horumarka qofkaasi qalbi ahaan dareemi karo. 

Waa arin saamayn ku yeelan doonta habka uu qofkaasi ula dhaqmi doono waxa ku xeeran sida dadka, duunyada, deegaanka iyo xataa dugaaga ku xeeran. Waa midka keeni kara qofkaasi inu noqdo ciil-qabe arxan la'a oo aarsi iyo arami hoose arinkisu aanu dhaafin, ama ka dhigi kara qofka mid Dulqaadka, saamaxaada iyo ka roonawdu tahay aragtiidisa uu ku eego nolosha walxaha ku xeeraan noole iyo ma-noole ba.


Sideedaba eebe dadka waxa uu abuura iyagoo ku sugan bila danbi,kana madhan wax kasto xun, kuna sugan wax kasto wanaagsan.Balse waxa qofka
saameeya ka uu yahay ama ka uu noqon doona ka dhiga dadka ku xeeran oo waalidku kow ka yahay.


Iyaaga ilaa dhawr iyo toban jirka inta u qofkaasi yahay badanka saameeya maankiisa si taban iyo toganba. Iyagaa inta ugu badan u tilmaama nolosha, iyaaga dhiirigaliya ama aasa oo buuqiya hibo kasto uu haybad gaar ah u leeyahay.


Xilayada uu qofku ka soo dhammaado 10 ka hore ee marxalada noloshiisa, fantana fiyaarada hore 10 labaad ee geediga xabaasha aanu garanayn halkay ka qodantahay iyo goorta uu gaadhi doono, waxa maanka qofka bani-aadamka isku qabsada waalidka dhalay iyo macalinka wax u dhigaya, Waxa dhinaca kale soo gala buuqa isna macalin kale oo la yidhaa wadaad.


Kan wadaadka ahi waa muhiim,waayo wuxu baraya qofka aqoonta qusaysa Xaguu ka yimi iyo xaga uu u socdo. Taaso isaga waa macalinka’e iyo ardayduba u simanyiin inay Jidka haleelaan ama ka halaabaan. Balse waxa kaliya ee uu dheeryahay yahay aqoonta akhrinteeda,inta kale se ay u simanyiin ku dhaqankeeda, fahamkeeda iyo ku guulaysashada akhirada danbe.


Kan wadaadka la yidha waa ka ugu wanaagsan marka uu qofka kaliya baro waxa EEBE yidhi, waa se ka ugu khatarta badan marka uu ardaygii wax soo biday ugu dhex qaso aragtidiisa gaar ahaaneed hadalka illaahay.


Sababtaa awgeedna ardaygi ku waynaado isago kala garan la'a ; Maxaa diin aha maxaa se aragtidi wadaadka ah? Wadaadow anbiyada ma waxaad ka dhaxashay dhawrsoonaanti nabinimada mise aqoontii diimeed?  Sababta ugu wayn ee kuwan uga dhib iyo dheef badanyihiin macaliimiinta kale waa dadka damac iyo dareen kasto ay leeyiin ku so dhex qariyay abuurtii  wacnayd ee dhawrsanayd ee rususha.


Kuwaas in yar oo ilaahay fahansiiyay mooye’e waxay kow ka yihiin kuwa caqliga dadka ku harawsada aragtidooda ay diimeeyeen. Waxay sitaan warshad yar oo ay ku qorantahay "Xalaal iyo Xaraan" taaso aan ahayn tii ilaahay u soo dhiibay rususha, badankooduna ku salaysan waayaaha ay noolyiin iyo deegaanka ku xeeran. Dhab ahaan waa iyaga kuwa hibooyinka aradayda markay da'ahan 10-20 u dhaxayso buquujiya ilaa ay badankooda ka baabiyaan ama ka tirtiraan hibooyinkoodii gaarka ahaa.


Muxumed se wadaad maaha waa macalimiinta kale,waa macalin jiilkii hargaysa wax ka bartay gaar ahaan dugsiyada sare intii u dhaxaysay 1998-2012 kii ka baxay dugsiyada sare ay xasuustaan. Maxamuud waxa uu aha waqtiyada macalimiinta ugu horaysa madaadda la yidhaa xisaabta ee dugsiyada sare hadaanuba ahayn ka ugu horeeya ama labaad.


Muxumed wuxuu dheeraad ku lahaa ee lagu xasuusto waxa ka mid ahaa laba wax; Aradyda fasalka 4aad ee dugsiyada sare markay isku diyaarinayaan imtixaanka ugu danbeeya dugsiga sare waxa uu muxumed siin jiray xiisado dheeraad ah.


Galinka danbe ayaa aradyda dugsiyada sare gaar ahaan fasalka 4aad ay iman jireen dugsiga sare ee gacan libaax oo marka ahaa badhtamaha hargaysa. Halkaas ayuu ku siin jiray 4-6 galabnimo xiisado joogto ah oo xisaabta ah, kuwaaso uu dib ugu raad raaci jiray cutubyada xisaabta ee fasalada 1-4 ee dugsiga sare.


Dheerraadka kale waxa u ahaa inuu galinka danbe dugsiga sheekh bashiir oo lagu dhigan jiray afarta saynis qaybta xisaabta uu dhigi jiray.


Intaa hore waxaan la wadaagaa ardaydii wayaaha hargaysa wax ka baranaysay. Maxa se dheerraad ah ee uu aniga maxamuud ii taray?


Intani waxay ahayd waajib kiisa macalinimo oo uu gutay. Haa waa sida mana noqon karto wax dheeraad ah oo uu i taray ama aan dheerahay aradaydii uu sannado badan wax u dhigayay.


Anigu waxaan ahaa faraha laga qaad dibjirnimadu u tahay aragti, arinkiisu yahay dagaal joogto ah, ku dhashay kuna koray xaafadaaha xiliyada hargaysi ahayd kuwa ugu fawdada badan uguna Magaalo jooga wacan, waayo xiligaa Hargaysa inta aan suuqa u dhawayni waxay iska ahayd miyi habeenkii fiidka la seexdo jimcahana dirqi lagu yimaado suuqa dhexe ee magaalada oo marka ahaa ka kaliya ee hargaysi lahayd.


Nooca fasalka Xaga danbe fadhiista ayaan ahaa qofka nocaas ah ee da’adaas ah isla marka ku jira xiliga ay Soomalidu u taqaan " Rag iyo rabi toona ma yaqaan” waxa kaliya uu kala kulmo bulshada aynu oganahay ee ka dhalanay waa inay eryadaan hadanay ku dhicina meelaha ka caayaan ama kuwooda waawayni habaraan balse maxamuud sida ma yeelin. "Qof yari waa qof soo ordaaya ban cade” sida ayay odhan jireen Soomaalidii hore.


Xaq uguma lahayn tan waayo dugsiga aan dhigtaa waa dugsi sare mana aha kii barbaarinta ee hoose/dhexe, waxaan u ahay kuray dhawr iyo toban jir ah oo xaga labaatanka u sii dhaw. Xiligan xaalada aan ku suganahay waa in aanan cidna ka baqan cid iga baqata mooyee. Waa xili xataa qofka aan caayo ee iga xishooda ama iskaga kay taga aan u haysto inu iga baqanayo, waayo xataa haduu iska kay celin lahaa waxa dariiqa walba ii jooga kun ciyaalo fakin, sheekh madar iyo daami oo ahayd xaafadaydii caruurnimo ka hor ciyaalo xaafadnimadaydii sheekh Madar ayaan u sii istaagayo. Sababtaas darted ayaan cid walba u daan-daan san jiray.


Qofka caynkaas ah waxa uu u ban yaalay inuu khamri cabo,tunto qaad isaga bartaybe xata inuu wax dilo. Ka sakow awood Alla mahad leh ee isoo dirtay Muxumuud igana soo badbaadiyay danbiyo badan halka aan galay qaar kalo badan oo aanan adiga ka doonayn inaad iga saamaxdo, hadaad doonto igu cayba’e, balse waxaan leeyahay Allaa igu ciqaabi kara, kasoo aan ka baryaayo inuu iga saamaxo, waxa uu bariga isoo diray macalin muxumed aw cali.


Waxaan ka kala nimi ardayadayadii dhigan jirtay dugsiga gacan libaax dugsiyo kala duwan sida RIIS, WARAABE SALAAN, Biyo dhacayga hoosedhexe iyo midhadh kale oo dugsiyo kale ka yimi.


Waxaanu nahay Form one ama fasalka kowaad ee dugsiga sare ee gacan libaax, Waxa ka mid ahaa dadka aanu isku fasalka ahayn; Huda,Yoon,Xaaji,Booshari,Gahayr, Qaali iyo Ladane.


Sideedaba dumarku iyagu waxay hayin ku noqdaan oo masuuliyada nolosha ku qaadan inta aanay 10 jirka dhamaysan in yaroo inay is xantaan ah mooye dhib kale ma leh,markaba way saxiibaan iyagoon is garanayn.


Inkaari se waxay ku dhacday qaybta dadka ee la yidhaa labka. Waa kuwan oo marka waxaan ahayn dhawr iyo toban jire iyagoo sodon/afartan/50 jir ah aya dhalin yaro isku magacaabeen sida Somaliland dawlad iskugu magacawday. Dhaqankaasi mala hargaysuu gaar yahay.


Anigoo kii kadeedna ah ee aan idiin sheegay ayaa fasalka ka mid ahaa. Markan nasiib wanaag kale ay hargaysi lahayd waxa ka mid ahaa in aanay dadku reero haba ahaadeene, reero iskugu hiilin jirin.


Waa reer hargaysoo ciyaalo xaafo isku dila, iskuguna hiiliya.


Dugsiga marka waxa maamule ka ah AHUN Aadam-Beeg oo dhulbahante ahaa Ardayda waxa u caadi ah inay isku bartaan markay isku cusubyiin; dagaal ama nabad kay isku baranayaan, iyagu ma doortaan ee waa halkay la marto.


Anagoo ah darsin waayo dhawayd is ogaaday inay Ciise Muuse wada yihiin badankooduna Hargaysa aan ku dhalan balse soo galay isla marka aan is Ciise Muuse barane, ee is ciyaalo xaafo bartay ayaa nala wada xidhay.


Intaan nala xidhin fal danbiyeed ayaan galnay. Haa marka maanu moodayn ee wax iska celin ayay ahayd.


Waxa is dilay Booshari iyo wiil kale oo markii fasalka laga saaray labadoodaba ayaa wiilkii kale la cafiyay boosharina la eryay. Facii xiligaasi waxay kaga duwanyeen facihii ka danbeeyay waxa weeyi inay ahayeen dhibanayaal dagaal oo iyadoo la sido lala qaxay markay socod barteena mar kale SNM intay isku dul qabsatay qaxay. Maskaxdooda waxa ku jirtay marka urtii baaruuda rasaasti lagu harqiyay caruurnimadoodii, sida darteed waxanu ahayn duul wada xasarad ah. Sababtaas darted ayaan markii booshari la eryaya anagoon hubsan una hogaansamin amarki maamulka dagaal u qaadnay,dagaal oogaaha ugu wayni anigu ahaa markaas. Waxaa xasuustaa xaaji markaan idhi  ‘’ wixii reer waraabe salaan ahi ha soo baxaan’ Waxaan ugu yeedhayaa waa dagaal markaa tolkay reer waraabe salaam.


Dugsigii ayaan dagaal ka dhex bilownay. Waa dagaal ku aadan macalimiinta kow iyo ardaydii biyo dhacayga sare oo uu ka so jeeday ardayga ay booshari is dileen. Dugsigii aan dhiganaynay ayaanu dhagaxa u miisnayn. Axyaa caruurti SNM ma nahay?!


Waxaan dagaalano dabada ka soo shiidno iskuulkaba waxaan sameeyay intoon soo dhex galay iskuulka ayaan dhagaxi halkii macalimiintu taagnayd ku soo tuuray.


Geesigu maaha uun ka wax cafiye, waa ka markay ku qasabto wax iska celiya wiilkiisana ha ahaade,iskaba daa arday uu wax u dhigaye.


Halkan waa halka uu muxumed igaga helay qadarin aanan u hayn xataa dad badan oo waalid iigu toosan.


Macalimiintii way wada yaceen balse muxumed wuu iga hor yimi isagoo bir sita. Waakaa birtii iga jaray. "Ax waar wuxu axmaqsana? iska celi macalina maahe”. Maankaygii arki wayay inaan anba macalinkayga kula so cararaayo dhagaxa aya sida igu yidhi.


Muxumed waaka dugsigii dibada iiga saaray ushii iyo birtii u sitay,waxooga ka dib waalidkayagii ayaa la so wada xidhay,aniga se wali lama xidhin waalidkay markaan ogaaday se waan ka il horeeyay waaniga tagay saldhiga dhexe ee is xidhay. Waxooga maxakamad nala geeyay ka diba waata na la so dayay,si aanu u sii wadano waxa barashadi waata nalagu xidhay shuruudo ay ka mid yihiin;


Kala fasal noqda, waa la idin kala badalay, Macalimiinta madaxa ka dhunkada saamaxa Markaanu shuruuda labaad marayno ayuu macalin muxumed ku yidhi waalidkii" Ninkan soo badheedhay aniga waa iga cafis maadaama oo aanu daah dabadiisa dhagaxa ka soo tuurin’’ Sid ayu igu cafiyay igunala saaxiibay halka mid wadaadi odhan lahaa” kan ayaa ugu akhlaaq xun samixina maayo” Waayo waxaan xasuustaa waqti anoo sigaarka baran ciyaar ciyaar aan jeebabka ugu qaatay sigaar oo inoo jeebkayga ku ilaaway waalidkay oo aan waxba hubsaniin igaga daba keenay madarasadii aan dhigan jiray ee Berbera ku taalay la odhan jiray Umaya binu Kacab. Waata macalimiintii ul ila boobtay ciil aawadii waaniga bartay sigaarki ficil dartii bari  anbe,Muxumed se wuu is saamaxay.


Mar kale muxumed waaka u kuur galay xaaladaydii, waayo waxa uu gali jiray iskuulka agtiisa, ana waxaan suuqayga ciyaareed hindi iyo ciyaaro daawasho ahaa isla iskuula agtisa. Markaas waan is arki jirnay badanka, waxaanu arki jiray anoo mar kasta ama cid dacaayadaynaaya ama dagaalmaya.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa uu subaxii na kala qabtay mid anagoo is dilayna. Mar kale marki nusasaacaha loo soo baxay ayuu arkay anagoo mid kale is dilayna, kuwasi oo dhami waxay ahayeen qaar aan is leegnahay, waxay se ku qasabtay inuu i waraysto markii uu arkay rawaxaadii isago xaga gurigiisa u sii socda, anoo dirayski gashan oo aan cunaha haysto mid iga yar oo dirays kale oo dugsiga hoose ah gashan.


Wuu ii yeedhay muxumed marka oo aha maamulaha galinka danbe. Sanadkani waa kii labaad.
Waar adeer ma dhib family ayaa jirta Abahaa mee? Wuu dhintay Hooyona ? Suuqay fadhiisata Ya ka bixiya dugsiga? Anaa iska bixiya’’ Been ayan sheegaya markan waayo AHUN abtigay ayaa waxa walba ila garab taagnaa hargaysa inaan ugu sareeyo mooye maalin ma qado’ Muxumed waaka I rumaystay ee igu yidhi ‘’ dugsigu waa kuu bilaash adeer’e dagaalka iska daa’’ ‘’Haye macalin’’ ayaan ku idhi anoo ku faraxsan lacagta abtigay bisha igaaga bixiyo inaan laba khamiisood ku qayili doono.Waaka ii isii raaciyay ‘’ waliba halkii sheekh bashiir na bilaash ku dhigo’’ Waxa mahad iska leh ilaaha bulshadaa mar kasta iga soo hor saara qaybta dadka ka mida ee qofku marka u kufo kicisa ee iga indho saabay qaybta qofka marka uu kufo ku qososha.


Iminkaydiin odhan Jibriil abokor waa habar awal. Oo waa dhab ee sow isaaq maaha? Iskaba daa waxaaso dhan ee sow muxumed qof marka laga tago jibriil abokor iyo awal dadnimo badan dheer maaha kuwa dadka masaajidaad ka wacdiya diinta ku shaqaysta?

Bal eeg maantana waxa uu yidhi macalin Muxumed aw cali oo aanu meesha dunida meelaha ugu khayr badan ah isku aragnay,Isna aan ku tiriyo dadka bani aadamka ugu khayr badan ALLAH ha dhawre. Eeg waxa uu yidhi;

18 sano ka dib 2020 " ninkaaso oo qudha Ayaan Saamaxaya si wacan u dagaalmay oo aan gidaarka dabadiiisa ka soo tuurin dhagaxe so badheedhay"
Maaalintaa ma xasuusta macalin? Anaa sida waydiyay  Waxa uu igu jawaabay ‘’ waa run sababto ah munaafaq mar kasta waxaad ka raacda qofka warka cad haba ku dila’e ’’ Maanta oo ay bishu tahay "12/2/2020" Waar sow nigan labadyaaduba gabownay hadaan waa maxay lambaradan 2 & 0 miidhan ah ee so noqonaya.


Talow gabawgu ma 1 ka hada so biirayba niyow?
2 & 0 soo noqnoqonayaa kama duwana cadceedan iyo dayaxan 18 sano soo noq noqonaye 1 kuna kama
duwan dadka intay dhasheen dhintay qaan gaadhay ciraystay ee Coomiroobay.


FG. Ah hadad hab qoraalka macaanstay wax tafaaf tiray oo ku fara yaraystayMohamed-Ciraaqi Daahir


Anigu isku dhex karis ayaan u diray.


Abdi'Aziz Booshari
Xaaji Cabdikarim M Cumar iska dhex badha 


Aswad Baarcad maqaalka akhriso fadalan ALLAH ha ku sharfe.


Mohamed Abdi YoonHuda MohamoudSiciid Maxamuud GahayrQali Bintul Xariiri

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...