Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Diyaaradii Burburtay Ee Itoobiya Lahayd

0
Friday April 05, 2019 - 02:57:32 in News by
  • Visits: 3620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Diyaaradii Burburtay Ee Itoobiya Lahayd

    Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Diyaaradii Burburtay Ee Itoobiya Lahayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Diyaaradii Burburtay Ee Itoobiya Lahayd


Duuliyeyaasha diyaaraddii Ethiopian Airlines ee duulimaadkeedu ahaa 302 waxay awoodi kari waayeen inay xakameeyaan diyaaradda, waxayna "marar badan" sidaas isku dayeen iyagoo raacaya habka diyaaradda Boeing loogu tala galay in lagu xasiliyo, sida lagu soo bandhigay natiijada hordhaca ah ee baaritaanka.

2 diyaaradood oo noocan ah ayaa ku burburay shan bilood gudahood


Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa Boeing 737 Max 8 ayaa ku guul darreysatay inay si toos ah hawada ula qabsato waxayna iyadoo af-af usoo hoobaneysa dhulka kusoo dhacday wax yar ka dib markii ay duushay.


Shilkaas oo dhacay 10-kii bishii Maarso, waxaa ku dhintay 157 ruux oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda oo ka soo ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda u ah dalka Itoobiya.


Wargeys lagu magacaabo Wall Street Journal oo soo xiganayay saraakiil uusan magacaabin ayaa horay usoo tabiyay in sababta shilka keentay ay ku saabsaneyn habka kumbuyuutarka ay diyaaradda ku shaqeyso.


Mas'uuliyiinta dhinaca duulista ayaa bishii Maarso xayiraad caalami ah kusoo rogay diyaaradda uu nooceedu yahay 737 MAX 8 ka dib markii ay labo shil oo diyaaradda noocaas ah burburiyay ay dhaceen muddo 5 bilood gudahood ah.


Hannaanka badbaadada ee diyaaradda ayaa saldhig u ahaa baaritaankii la sameynayay.


MCAS waa qalabka loogu talogalay inuu diyaaradda lagu xakameeyo ee ka ilaaliyo inay shaqada gabto marka ay jiirooneyso.


Haddii uu qalabkan shaqeyn waayo wuxuu sababi karaa in diyaaradda baalasheeda ay awood yeelan waayaan islamarkiina ay hoos usoo hoobato.


In diyaaradda la xasiliyo waxay u baahan tahay inuu duuliyaha afkeeda hoos u jeediyo ka dibna kor u qaado.


Balse diyaaradda Boeing 737, waxaa howshaas si toos ah u qabta qalabka MCAS, si ay diyaaradda caadi ugu xasisho.


Ka dib markii warbixin hordhaca ah laga soo saaray diyaaraddii burburtay ee ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, dawladda Itoobiya ayaa gaartay labo go'aan.

Arrinta koowaad waa in dib u eegis lagu sameeyo waaxda maamusha duulimaadyada.


Arrinta labaadna waa in aan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 Max 8 loo oggolaan hawada "tan iyo inta si rasmi ah wax looga qabanayo, qalabka lagu xakameeyo diyaaradda".



Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...