Maxaa loo bahan yahay? W/Q Maxamed Ilig

0
Tuesday March 24, 2020 - 13:44:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa loo bahan yahay? W/Q Maxamed Ilig

    Maxaa loo bahan yahay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa loo bahan yahay?


  1. In dhaman maqaaxiyaha suuqa waaweyn laga xidho oo ku yaala Magaalada ee dadka badan iskugu yimaadaan.
  2. In Goobaha Hotelada la xadido wakhtiga ay furnanayaan iyo miisaska dadku fadhistaan la kala durkiyo.

  3. In goobaha Cuntada la iskugu yimaado ee buuqa ah la kala fogeeyo kuraasida sidoo kalena madbakha iyo cuntada la ilaaliyo nadafafooda.

  4. In gawaadhida dadwayanaha la xadido xiliga ay dadka qadayaan si dadku guryahooda u joogan, sida basaska iyo Tagasida yar yar.

  5. Meelaha Koobabka shaaha ah lagu wada cabo laga dheraado oo la iska ilaaliyo inaad kula cabto dadka.

  6. In masaajidada laga wacyigaliyo qofka xumad hayso, ama Qufacaya inaanu dadkana soo dhex galin, masajidkana Iman ee dadka kale uu ilaaliyo oo goobtiisa oo uga khayr badan ku tukado.

  7. In goobaha Cisbitaalada laftooda bukaanada lagu dewaynayo kor loo qaado oo dhakhatiirtu isku goobo aanay ku dhaweyn dadka Cududrka u kala Nugul.

  8. In Ciidan gaar ah oo hawshan qabta oo joogto u qabta loo sameeyo oo wareegaya wakhti kasta Goobaha suuqa ahna la dhigayo.

  9. In Jaadka La joojiyo oo meesha laga saaro ayaa ka horaysa in marfashka lagu qayilayo la xidho.

  10. Diyaaradihiina iyagaba iska istaagay manta oo madaaradii caalamkaba waa lawada damiyay intoodii badnayd cidna cid uma gudbayso.



Sababtoo ah dhamaan waxyabahani waxay soo kordhinayaan ka hortag wanaagsan waana dawada kaliya ee la hayo in talabooyini laqaaday si uu qofku gurigiisa u joogo.

Ka hortaga ayaa ka horeeya is daaweynta.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...