Fursadaha Madaxweyne Biixi Uga Faa'ideysan Lahaa Arimaha Mandaqada Malaga Yaabaa

0
Tuesday March 24, 2020 - 09:30:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fursadaha Madaxweyne Biixi Uga Faa'ideysan Lahaa Arimaha Mandaqada Malaga Yaabaa

    In Ay Kajeediyaan Murankan Isaga iyo Shacabka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Ay Kajeediyaan Murankan Isaga iyo Shacabka Hargeysa
Madaxweynaha Waxeynu u Dooraney in uu inooka Shaqeeyo Danno Qaran oo ka Culus Arimaha Dhexdeena Yaala,Waxeynu u Dooraney in uu lasocdo Dhaqdhaqaaqyada Geeska, iyo Culayska Maanta Fuulay Soomaaliya iyo Jabuuti ee Carabtii ay kamidka ahaayeen,ku taageereen Qadiyada u dhaxeysa masaarida iyo Itoobiya, iyagoo haddana iska Maslaxaya Itoobiya, ayey luuqad kale kula hadleen Markii Raysal-wasaare Kheyre u cararayey Adissababa,Waxeynu Ognanhey in Itoobiya Dawllad Fac Weyn oo talaabadooda ay Masar ku taageereen ka Warheysa Haseyeeshee, Raysal-Wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaya Mid Siyaasada ku Cusub oo aan Waxan fahansaneyn Mawduucan, Xaqiiqdii Mudooyinkii u Dambeeyay madaxda Soomaalidu Waxey Somaliland kula hadlayeen iyagoo Itoobiya usoo dhex maraya Waa Fursad Loo Baahnaa in ay Dhaqdhaqaaqeeda Siyaasada Arimaha Dibadda kor u Qaado oo Si Cilmiyaysan uga Faa,idayso Fursadahaa Aynu arkeyno, Waana Xaqiiq in Soomaaliya Madaxdeedu Cadaw inoo Yihiin Maanta mana Ogola in aynu ka Gudubno halka aynu Joogno ee Geediga Dheer ah.

 

Waa Nasiib-darro Macal-Asaf in Madaxweynihii lagu Sheego Dhul iyo Murankii Maanta oo uu Taladii dalka Hayo, iyo Waliba Ganacsi Maanta Dagaalna Wuu inagu Socdaa waxeynanu haysanaa Fursado Wanaagsan oo aynu Arimha DiBADA KAGA Hawlgali karno, Laakiin miyaanay Isweydiin Mudneyn in la Baadi Doono Aqoonyahankii iyo Siyaasiyiintii Waayo-aragnimada ulahaa Dhaqdhaqaaqa Xiligan Iyo Ciyaaraha Afrika ka dhex Socda, Dabcan Madaxweynaha ayaa ku khasban in uu Xusho Dad Siyaasada Socota Aqoon u leh hankiisa iyo Himiladiisana Kor u Qaaddo.

 

Waxaan kula Talinayaa Ragga Aqoonyahanka ah iyo Waxgaradka Somaliland in ay Wixii tallo ah u Gudbiyaan Isklamarkaana, aaney ku haleynin Arimo Badan Madaxweyne Biixi laakiin ay Dagaalka Dhinacooda Ka Galaan, oo Fursadaha inooka Faa,ideeyaan Wabilaahi Tawfiiq.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...