Xukuumada Muuse Biixi Oo Dalka Ku Sii Daysay Rakaab Aan Caafimaadkooda La Baadhin Oo La Socday Ehtiopian Airline
Hargeysa(HWN):-Wakiilkii hore ee somaliland u qaabilsanayd wadanka Ingiriiska Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur ayaa xukuumada Muuse Biixi ku canaanatay in dalka loo furay duulimaadyada oo keeni kara xanuunka halista badan ee Coronavirus.
Wakiilkii hore somaliland u qaabilsanayd UK Ayaan Cashuur ayaa qoraal ay ku soo bandhigtay waxay ku sheegtay in rakaabkii la socday diyaaradaha Ethiopain Airline ee maalintii sabtidii yimid madaarka Hargeysa aan laga baadhin xanuunka Coronavirus isla markaana lagu sii daayey magaalada.
Ayaan Cashuur ayaa nasiib daro ku tilmaantay inaan wax digniino ah la siin dadkii ka soo dagay madaarka Hargeysa oo ka yimid wadamo badan oo uu ku baahay xanuunka Coronavirus, waxaanay u dirtay fariin digniin ah oo ay shacabka somaliland kaga badbaadin karaan xanuunka.
Ayaan Cashuur ayaa qoraalkeedu u dhignaa sidan:-
"Aad ayaan uga xumahay dadkii maanta kasoo degay Airport Hargeysa in aan fariin lasiin inay is karantiimeeyaan 14 casho, laga qorin details -kooda la daba galin. si wacana wax looga dhaadhicin.
Digniin: Dadka soo degay ha is xilqaamaan, dadka loo yimidna ha iska ilaaliyaan dadkan ilaa 2 todobaad. Europe iyo USA intii ay china daawanayeen ayuu cudurkii fiday. Afrika inta ay nala tirinayaan dadka yurub ku dhintay ayay gudcur ku waabariisan.
Xukuumada ka talisa somaliland ee uu hogaamiye Muuse Biixi ayaa u muuqata inaanay dan ka lahayn caafimaadka bulshada isla markaana waxay guud ahaanba furtay xuduudaha kala duwan ee dalka, kuwaas oo ay ka soo gali karaan dad xanuunkan qaba.