Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya dawaada malaariyada ee chloroquine iyo COVID-19?..W/Q Yaasiin Ciise

0
Monday March 23, 2020 - 17:11:29 in Articles by
  • Visits: 1376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya dawaada malaariyada ee chloroquine iyo COVID-19?..W/Q Yaasiin Ciise

    Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya dawaada malaariyada ee chloroquine iyo COVID-19?..W/Q Yaasiin Ciise Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya dawaada malaariyada ee chloroquine iyo COVID-19?..W/Q Yaasiin Ciise Yuusuf


Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya dawaada malaariyada ee chloroquine iyo COVID-19?

Inta aynaan su'aasha ka jawaabin aynu eegno taariikhada daawada chloroquine.


Daawada chloroquine waxaa la ikhtiraacay 1940-kii, maamulka daawooyinka iyo cuntada ee maraykanka "U.S. Food and Drug Administration (FDA)" ayaa ansixisay in loo isticmaalo daawaynta Malaariyada 1949-kii waan daawada lagu istcimaalka badan yahay u isticmaalka xanuunka malaariyada.

Image may contain: 1 person


2005-tii warbixin lagu qoray jaaridka " The journal Virology" ayaa lagu sheegay macquulnimada in chlooquine iyo tan laga sii dheegay "derived' ee hydroxychloroquine ay wax ka tari karaan daawaynta "SARS-CoV" oo uu COVID-2 ka mid yahay noocyadiisa, Dr. Len Horovitz oo ah digtoor ku takhasusay uur ku jirta iyo sambabada oo ka hawl gala cisbitaalka Lenox Hill Hospital , ee magaalada New York, ayaa sheegay in cilmi baadhid lagu sameeyay daawada chloroquine ay ka hor tegi karto fidida xanuunka SARS-CoV ,kaas oo keena xanuun daran oo ku dhaca samababada, xanuunkaas oo 20-sanno ka hor ka dilaacay China una gudbay wadamo farabadan.


Sidee ayay chloroquine uga hortagaysaa COVID-19 or SARS-CoV-2 ?


Chloroquine waxay khalkhalisa awooda uu feerasku ku tarmi karo "ability of viral replication" laba siyood:


1. Daawadu waxay gashaa qaybaha uu ka koobanayhaay xuubka unuga ee la yidhaahdo "Endosomes". Endosomes-ku xooga waa aysiidh lakiin walaxaha kimikaad ee ay ka koobantahay daawadu ayaa kor uu qaada PH iyadoo ka dhigiysa bays "Basic". Hadaba feerasyo badan oo ay ka mid yihiin SARS-CoV, waxay aysiidh ka dhigaan endosome-ka iyagoo keena in uu qarxo kadibna walaxaha hiddo sidaha ee uu kasamaysany yahay "genetic material" ay dibada u soo baxaan ayna bilaabaan in ay tarmaan, taas oo ay daawada chloroquine xanibto dariiqa tarmidda.


2. Daawadu sidoo kale waxay ka hortagaysaa in SARS-CoV ku dhego dareen qabtinka "receptor" layidhaa "angiotensin-converting enzyme 2, or ACE2" sida lagu sheegay warbixintii 2005. Marka feerasku geliyo booratiinada qodaxa ah "spike protein" ee uu leeyahay dareen qabtaha ACE2 , waxaa bilaabma falgal kiimikaad kaas oo bedela qaabdhismeedka dareen qabtaha kadib ogolaada in feerasku caabuq keeno, lakiin markii la isticmaalay chloroquine waxay wiiqday taranka feeraska guud ahaan.


Ma shaqays?


Bishii February koox cilmibadhayaal ah oo u hogaaminaayay nin ku takhasusay feeraska oo la yidhaa Manli Wang oo ka tirsan "Chinese Academy of Sciences" ayaa keenay fikirka ah lagu tijaabiyo chloroquine, taas oo lagu guulaystay in ay joojiso fiditaanka SARS-CoV-2 markii lagu beeray unugyo aadame "cultured human cells". Warbixino hor u dhaca oo ka imanaaya China, South Korea iyo France ayaa soo jeediyay in daawadu ay ugu yaraan si fiican ugu shaqaysay dad bukaan ah oo lagu tijaabiyey, qaar ka mid ah cisbitaalada Maraykanka ayaa bilaabay siinta bukaanka daawada sida ay sheegtay jariirada The New York Times.


Si kastaba ha ahaate chloroquine oo xad dhaaf loo qaata waxay keeni kartaa in lagu dhinto iyadoo la doorbiday in la istimaalo hydroxychloroquine oo ka sun yar kan hor tagaysaa in feerasku tarmo.


Madaxweynaha Trump ayaa 19 bishan idhi " labada daawo ee chloroquine iyo hydroxychloroquine waxa lagu daawayn kara xanuunka Corona virus, isaga oo intaas ku daray in ay martay habkii lagu ansixin lahaa isticmaalkeeda", Lakiin maamulka daawooyinka iyo cuntada ee maraykanka "U.S. Food and Drug Administration (FDA)" ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay hadalka madaxweynaha loona ogolaan in lagu daaweeyeo xaanuunka COVID-19 lakin lagu daaweeyo xanuunada malariyada , Lupus iyo rheumatoid arthritis, lakiin ay ku jirto tijaabo cafimaad "Clinical trails" inta aan la sheegin in ay wax ka tari doonto xanuunka.


Qaar kamid ah dhaakhtiirta maraykan ah ayaa u qoray dadka xanuunkani soo ritay nidaamka lo yaqaano ku eegta "off-label" inta aanay ansixin FDA.


 Note


SARS-CoV-2 or COVID-19: Severe acute respiratory syndrome coronavirus 2

Yasin E. Yusuf

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...