War Deg Deg Ah:-Dad Looga Shakiyey Xanuunka Corona Virus Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa Iyo Talaabada Laga Qaaday

0
Monday March 23, 2020 - 17:06:54 in News by
  • Visits: 4432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Dad Looga Shakiyey Xanuunka Corona Virus Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa Iyo Talaabada Laga Qaaday

    War Deg Deg Ah:-Dad Looga Shakiyey Xanuunka Corona Virus Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa Iyo Talaabada Laga Qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Dad Looga Shakiyey Xanuunka Corona Virus Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa Iyo Talaabada Laga Qaaday


Hargeysa(HWN):-Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay 14 qof oo looga shakiyey inay qabaan xanuunkak Coronavirus kuwaas oo la socday diyaarada Itoobiya Airline oo maanta ka soo dagtay madaarka Hargeysa.


Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha caafimaadka ee lagu diyaariyey madaarka magaalada Hargeysaay qaadeen dadkan looga shakiyey xanuunka Coronavirus kuwaas oo geeyey goob loogu tala galay oo lagu karantiimayn doono.

Image result for war deg deg ah


Dadkan oo la sheegay inay yihiin muwaadiniin u dhashay somaliland ayaa ka yimid wadanka Maraykanka iyo wadamo ka tirsan qaarada yurub oo uu saameeyey xanuunka Coronavirus.


Gaadiidka caafimaadka ee lagu diyaariyey madaarka magaalada Hargeysa ayaa qaaday 14 qof, kuwaas oo geeyey goobo iyo guryo ku yaala gudaha magaalada Hargeysa oo loogu tala galay in karantiimo lagu geliyo mudada laga hubinayo caafimaadkooda ama astaamihii xanuunku ka soo shaac baxayaan.


Xukuumada hogaamiye Muuse Biixi ayaa ilaa hada ku adkaysanaysa in xuduudaha dalku furnaadaan iyada oo qiimaynaysa dhaqaalaha ka soo galaya isla markaana aan danayn caafimaadka iyo bad qabka shacabka somaliland.


Dhinaca kale shacabka somaliland ayaa xukuumada u soo jeedinaya inay xidho xuduudaha laga soo galo dalka, iyada oo bulshaduna ay baraha bulshada isku waydaarsanaya baaqyada ay u jeedinayaan xukuumada.



Hadhwanaagnews.com/Office


Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...